Published:

Haween La Kufsaday Oo Saylac Xiisad Ka Abuuray

Saylac(GNO)December-12-2015- Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal ayaa lagu xidhay 5 nin oo ku eedaysay kufsiga laba haween ah. Kufsiga ayaa la sheegay inuu ka dhacay magaalada Lawyocaddo ee xuduudka Somaliland iyo Jabuuti.

 

Guddoomiyaha gobolka Salal Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa BBC-da u sheegay in nimankaasi labada gabdhood oo safar ahaa u sheegeen inay ka talaabinayaan xuduudka Somaliland iyo Jabtuuti, balse markay marinayaan Layocaddo ay kufsadeen, haatana lagu dawaynayo cisbitaalka magaalada Saylac.

 

Guddoomiye Waaberi, ayaa sheegaya inaan wali caddayn raggaasi lagu hayn balse arrintaasi baadhis xoog leh lagu hayo, islamarkaana la faahfaahinta la bixin doono marka ay haboonaato. Waxa uu sheegay in boolisku xaqiijin doono eedaha loo haysto 5 nin ee loo xidhay arrintaasi kufsiga ah.

 

Arrintan ayaa xiisad Jimcihii ka abuurtay magaalada Saylac,kadib markii dadku isla oogsaday markii ay maqleen tacadiga foosha xun ee ku dhacay labada haween ah, oo sida uu sheegay lagu dawaynayo cisbitaalka Saylac, wuxuuna guddoomiyuhu tilmaamay in arrintaasi dejinteeda gacanta lagu hayo, kiiskana lagu qaadi doono cidda uu ku caddaado.

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Haween-La-Kufsaday-Oo-Saylac-Xiisad-Ka-Abuuray.html#.dpuf

News Related