Published:

Hargeysa(GNOthumbs (16)4)-Dr Chris Jaeger oo sida uu sheegtay ahaan jiray la-taliyaha Isu-Duwaha Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Isniintii maqaal ku daabacay mareegta tolerance.ca, kaas oo uu ku buunbuuninayo hannaanka liicliicaya ee Federaalka Soomaaliya isla markaana uu wax kaga sheegayo qaddiyadda Somaliland, isagoo Somaliland ku durey aragti dhinac ka raran oo siyaasadeed.

qqqq

Dr Jaeger wuxu sheegay in hannaanka Federaalka ee Soomaaliya uu meel wanaagsan marayo iyadoo Al-Shabaabna laga saaray badi magaalooyinka Sooomaaliya iyo in magacaabista ergayga cusub ee Qaramada Midoobay Michael Keating la filayo in ay sii dardargeliso hannaanka federaalka ee Soomaaliya.

Hase ahaatee Dr. Chris Jaeger wuxu nasiib-darro ku tilmaamay in ay Somaliland ka maqan tahay dhammaanba geedi-socodka Federaalka ee Soomaaliya isaga oo sidoo kale sheegay in ay Somaliland horey u lumisay fursad qaali ah. “Dadka siyaasadda falanqeeyaa waxay sheegaan in Hargeysa ay noqon kari lahayd magaalo-madaxda Soomaaliya iyo halka ay deggan yihiin hay’adaha muhiimka ah ee dawladda Soomaaliya intii dagaalladu ka socdeen koonfurta Soomaaliya.”

Dr Chris wuxu sheegay in kasta oo ay Somaliland horumar la yaab leh ka samaysay dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca siyaasaddaba aanay haddana ku guulaysan in ay hesho aqoonsi caalami ah.

“Iyadoo hadda la dhisay dawlad-goboleedyo federaal ah, way sii adkaanaysaa in dunidu aqoonsi siiso Somaliland” ayuu yidhi.

Maqaalkiisa Dr Chris wuxu ku sheegay in haatan loo baahan yahay in ay Somaliland fahanto mabaa’diida Federaalka. “Dastuurka Federaaliga ah ee Soomaaliya wuxu dhigayaa in ay Soomaaliya tahay dal federaal ah, madax bannaan, dimuqraadi ah isla markaana ku dhisan siyaasad loo dhan yahay. Haddii ay Somaliland federaalka ku biirto lagama yaabo in ay wax ku waydo. Taas beddelkeeda, Somaliland wax walba way ka heli doontaa.”

Dr Chris maqaalkiisa dhinaca ka raran intaas uun kuma uu dayn, wuxuse sheegay in aan la dafiri karin in ay Somaliland joogaan dad badan oo jecel in ay arkaan Soomaaliya oo mid ah, kumana uu sheegin qoraalkiisa meel uu ka soo xigtay iyo daraasad uu sameeyay toona oo uu markhaati ugu qabsan karo doodiisa ah inay Somaliland joogaan dad somaliweyn jeceli. Sidoo kalema ma soo hadal qaadin halka ay dadka reer Somaliland ka taaganyihiin midnimo dambe oo dhex marta Somaliya, iyagoo niyada ku haya dhibaatadii, jidh-dilkii iyo xasuuqii loo gaystay.

Ma cadda shaqada uu hadda gacanta ku hayo Dr Chris. Haddii uu weli ku jiro xayndaabka Qaramada Midoobay xilka uu doonaba ha hayo’e, waxay noqon doontaa gef weyn oo lagula kacay Somaliland. Haddii uu Qaramada Midoobay ka tagayna waxa ay inna tusaysaa sida ay u fikiraan madaxda Qaramada Midoobay ee marka ay Hargeysa joogaan dhexdhexaadka iska dhiga, taas oo ah waxa loo yaqaano diblomaasiyada munaafaqada ah.

Somaliland waa in aanay dulqaad u yeelan cid kasta oo qalin-daaraysa himilada shacabkeeda, waana in ay fiiro-gaar ah u lahaataa gef kasta oo kaga yimaadda Qaramada Midoobay oo ah hay’ad caalami ah oo ay mabaadiideeda ka mid yihiin “dhexdhexaad ah.

News Related