Published:

UCID

Hargeysa(GNO)-Waxa soo ifbaxaya in qaar ka mida siyaasiyiintii asaaska ku lahaa Xisbiga UCID in qaar ka mida ay haatan ka fiirsanayaan in ay isu sharaxaan xilka Guddoomiyaha UCID.

Siyaasiyiintan oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in hadii xisbigu yeesho kulamo isqiimeyn ah ay isu taagi doonaan xilka Guddoomiyaha oo uu abid hayay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Arintan ayaa imanaysa kolkii Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe si toos ah uga jawaabi waayay in uu damac ka hayo xilka musharaxa madaxtinimo ee loo doortay Jamaal Cali Xuseen.

Ergo arinkaa laga galayna waxa ay ku danbeysay in la isla sugo kolka Gollaha Dhexe ee xisbigu yeesho kalfadhi “isqiimeyn” ah.

Damaca Siyaasiyiintan ee ku wejahan xilka Guddoomiyenimo ayaa dareen ku abuurtay Guddoomiyaha haatan Faysal Cali Waraabe, mase cada saameynta ay arinkani ku yeelan kareyso khilaafka haatan ka aloosan UCID guddihiisa.

News Related