Published:

Řbed7ae9c3e583259e2f1d05cd4e9759c_LHargaysa(GNO)December-30-2015:- madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa maanta  Si rasmiya Xadhiga uga  Jaray  Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland taasi oo  ka Kooban Dhisme  Sadex Dabaq ah.

Munaasibada Xadhig Ka Jarista Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  ayaa  ahayd  goob  ay  xarunta  ku  sugnaayeen  dhamaanba  Golayaasha kala gadisan ee qaran , Ciidamada Kala duwan ee Boliska , Ilaalada Xeebaha, Laanta Socdaalka , Debdamiska iyo  Cidamada Banboyda.

Waxaa  xadhig  kajarinta  kadib    bilaabantay   khudbaha  masuuliyiinta   iyo  sidoo  kale    riwaayado   ka turjumada munaasigada  iyo  wax qabadka wasaarada arrimaha gudaha.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland oo  Halkaasi  Ka Hadlay  ayaa  ka  xog  waramay   Waxqabadka wasaaradda , tirada Shaqaalaha  iyo  waaxaha ay  ka kooban  tahay.

Sidoo kale agaasimaha guud  Mudane Cabdi Fataax  waxaa uu ka  hadlay  waxyaala u  qorshaysan wasaaradda sanadka soo  socda  iyo  dhamaanta waxyaalaha ay  qabteen  Haayada Wasaarada La Shaqeeyaa.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland  Mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo isaguna Goobtaasi Ka Hadlay   ayaa   sheegay inaan  walaalaheeda  dalka soomaaliya   ay  maanta laga  bilaabo  dalka kusoo  gali  doonaan passaport  si   dawladaha kale ee   aynu  jaarka nahay.

“waxaan   halkan  doonayaa inaan  manta ka sheego    dhinaca isku  socodka bulshada  in  manta laga bilaabo   dadka u   dhashay  dalka aynu  jaarka nahay  ee Soomaaliya  ay   dalka kusoo  gali  doonaan  passa port  isla markaana  dalka ku  joogi doonaan sharci sida wadamada kale  kaas oo  waliba masuul  ay ka  noqon doonaan   dadka dalkan  u dhashay  ee reer Somaliland ahi”

Sidoo  kale wasiirku  waxaa uu  ku  dheeraaday    waxqabadaka wasaarada arrimaha gudaha   isa oo ugu  danbayntiina   badaxweynaha  guddoonsiiyey  shahaado  sharah   ay ku   maamuuseen  dhamaanta waaxaha  wasaarada hoos yimaadaan.

Ugu  Danbayntii waxaa halkaasi   madaxweynaha  qaranka Somaliland  Mudane  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo  halkaasi  kazoo  jeediyey  hadal kooban oo  mahad naqa

Khudbadda Wasiirka Daakhiliga

 

News Related