Published:

Gudoomiyaha Degmadda Togwajaal mudane Cabdicasiis Saleebaan oo ay weheliyaan Gudoomiye kuxigeenka Degmadda Togwajaale Laanta Socdaalka ee Wajaale ayaa si wada jirwajaale1ah Gacanta ugu dhigay 200 oo tahriibayaal ah oo ka gudbayay xudduda unasoo socday Somaliland kuwaasi oo iskugu jiray Orommo iyo Amxaaro.

Tahriibayaashan Gacanta lagu soo dhigay oo ah Markii koowaad ee sidan tiro intaa leeg lagu soo qabtay ayaa Maamulka Cusub ee Degmadda Towajaale Mudane Cabdicasiis Saleebaan oo ka hadlay Munaasibadda lagu soo qabtay ayaa sheegay in ay Gacan weyn uu ka geysteen laanta Socdaalka ee degmadda Togwajaale la,aantoodna aanay arrintan ku guulaysteen ee ah Gacan ku soo dhigistooda tahriibayaasha intan leeg waxaanu sheegay Maayarka Degmadda Togwajaale inay iskugu jiraan Magafayaashii soo Tahriibinayay isla markaasna ay dalkoodii ku celin doonaan waxaanu sheegay inay Tahriibayaashani sifo sharci darro ah dalka kusoo gelayeen waxaanu uga digay dadka Tahriibkani ka shaqeeya inay Xadhig badan mutaysan doonaaan haddaanay arrintan ka waantoobin ayuu yidhi mudane cabdicasiis saleebaan.

Waa Markii ugu horeysay ee Tahriibayaal gaadhaysa 200 oo qof uu Maamulka Degmadda Togwajaale iyo laamaha amnigu ay gacanta ku soo dhigaan .

Wariye Mohamed mussa inji
Hargeysa
Somaliland
Email: Mahamad95@hotmail.com

News Related