|
|||
Gabileynewsonline.com
Naqsha xumada dalkeena somaliland Town plan broblems in somaliland.By maxamed jeex
December 26, 2015 - Written by adminNaqsha xumada dalkeena somaliland Town plan broblems in somaliland.By maxamed jeex Intaasiba aan lahayn iyo guryo fiilooyin ah oo qaaliya oo aan wado lahayn ayaa laga dhistey magaalooyinkeenii waaweynaa taasina waa aqabad haleeshay dhamaan bulshadeena dalkeena waxayna bahdileysaa horumarada baaxada balaadhan leh ee ka socda dalkeena iyo magaalooyinkeena waaweyn. Hadaba waxaase fiican iney is barbar socdaan quruxda iyo qaab wanaaga iyo horumarka dadkeenu hormuudka ka yihiin lagana fikiro ta hada taagan ta musdaqbalka haduu alle idmo. Bulshada iyo xukumadaba waxaan ku boorinayaa iney ka fiirsadaan dhibaatada ka jirta magaalooyinkii waaweynaa ee reer somaliland oo dhamaan la dhistey wadooyinkii iyo meelihii ay caruurtu ku ciyaari lahaayeen. Xukumadu waa iney ka fikirtaa musdaqbalka dadkeena waana iney imika laga bilaabo ay talaabo adag ka qaadaa kuwa dhista wadooyinka ,xarumaha booliska ,xarumaha caafimaadka meelaha lagu nasdo imw dhamaan masuuliyadbaa ka saaran dawlada iney wax ka qabato.
COMMENTS
|
Latest News
|