Published:

540Mombai(GNO) wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif ayaa kulan kula qaatay dalkaasi Hindiya ardayda halkaasi ku sugan ee reer Somaliland

kulankan oo ay ka qayb-galeen ku dhawaad Boqol Arday oo waxbarasho ka dhigta Jaamacadaha ku yaalla Magaalada iyo nawaaxigeeda, ayaa waxa ardayda u sameeyey Wasiirkii hore ee Maaliyada oo kamid ahaa Murrashaxiintii Kulmiye ee aan tartanka ka qayb-gelin, waxaana ku wehelinayey Wasiirkii hore ee howlaha guud ee kamid ahaa wasiirradii kooxda ahaa ee xukuumadda iska casilay Cabdirisaaq Khaliif Munaasibada oo ku koobnayd casho sharaf Cabdi casiis Samaale Ardayda u sameeyey, ayaa waxa hadalo kooban ka jeediyey labadan xubnood iyo qaar kamida Ardayda, Labada Siyaasi oo xaflada hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay inay dalka Hindiya u yimaadeen howlo caafimaad oo ay u keeneen dad ka mid ah qoysaskooda. Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale ayaa sheegay inuu Aabihii oo xanuunsanayey keenay Dhakhtar ku yaalla halkan, isla markaana uu muddo bil ku dhow joogay waddanka, howlihii uu u yimina si wanaagsan ugu dhamaadeen dhawaana uu dalkii ku noqonayo.

Samaale, ayaan khudbadiisa ku soo qaadan wax siyaasad ku saabsan, waxaanu ardayda kula dardaarmay inay waxbarashada ku dedaalaan, kana midho dhaliyaan tacabka la geliyey.

Geesta kalena, Wasiirkii hore ee howlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu xaaskiisii howlo caafimaad u keenay Dalkan, isagoo xusay in dhamaan howlihii uu halkan u yimi meel wanaagsan u marayaan. Wasiir hore khaliif ayaa ardayda ku booriyey inay dedaal u muujiyaan sidii ay dalkooda ugula soo noqon lahaayeen waxay dalkan ku barteen.

Xubno ku hadlay afka Ardayda ayaa u mahad celiyey labadan Siyaasi ee Munaasibada casho sharafta ah u sameeyey, kuna hambalyeeyey dhiiri-gelinta ay u jeediyeen.

News Related