Published:

Hargeysa (GNO803) Musharaxiintii Isbahaysiga Kulmiye ayaa shalay galab u duulay magaaladda Addis ababa ee Dalka Itoobiya, halkaas oo la sheegay inay ku yeelan doonaan kulamo siyaasadeed oo aan la garanayn halka uu ku jihaysan yahay iyo hawlaha ay kaga arrinsan doonaan.

Xirsi Cali X Xasan oo ka mid ah kooxda Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye iyo Musharax Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe ayaa shalay galinkii hore iyo kii danbe laba diyaaradood u kala raacay magaaladda addis ababa, halka Maxamed Biixi Yoonis uu muddo ku sii sugnaa Dalka Itoobiya.

Siyaasiyiinta Isbahaysiga ayaa la saadaalinayaa inay kulamo la yeelan doonaan siyaasiyiin iyo dublamaasiyiin kala duwan oo ku sugan dalka Itoobiya, isla markaana ay kala hadli doonaan arrimaha ka taagan Somaliland, sidoo kale waxa la filayaa inay kulamo la yeeshaan madaxda Itoobiya.

Safarka Isbahaysiga ayaa lala xidhiidhinayaa in uu salka ku hayo halka ay salka dhigi doonaan muqtaqbalka, maadaama aanu jirin xal siyaasadeed iyo waan waan la odhan karo waxay ku sii laaban tahay xisbiga ay ka tirsan yihiin iyo xukuumaddii ay ka dareereen.

Isbahaysiga waxa dalka Itoobiya uga horeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro, kaasoo shalay ka soo laabtay, hase yeeshee dadka siyaasadda Odorosa ayey qaarkood sheegayaan in uu xidhiidh ka dhaxeeyo safarka isbahaysiga iyo ka cirro, waxaana muuqda ifafaale tilmaamaya in cudud midaysan ay yeelan doonaan labada dhinac.

Dawladda Itoobiya ayaa isha ku haysa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo isbedelada ka dhex jira xisbiyada Somaliland iyo doorashooyinka soo socda, maadaama ay tahay Dalka kali ah ee xidhiidhka ugu dhaw la leh, isla markaana dano farabadan ka leh Somaliland.

C/casiis Maxamed samaale ayaa la filayaa in uu isna ku biiro kooxdiisa, isagoo qayb ka noqon doona qorshayaasha ay u tageen dalka Itoobiya, waxaana la rajaynayaa iyagoo wada socda inay ka soo dagi doonaan madaarka Hargeysa, halkaas oo loogu qaban qaabin doono soo dhaweyn ka mug iyo miisaan weyn safarkii Burco ay ku tageen qaar ka mid ah Isbahaysiga Kulmiye.

News Related