Published:

(GNO)) Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay wadi karin howlaha xisaabinta ilaha dhaqaalaha ee dalka kadib markii dhowr shirkad ay diideen in lala xisaabtamo.

Nuur Faarax oo wareysi siiyey VOA-da ayaa si gaar ah u cayimay laba shirkadood oo ajaanib ah oo gacanta ku haya maamulka dhaqaale ee dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in labadaasi meelood yihiin ila dhaqaalaha Somalia, balse shirkadduhu ku doodayaan inay ajaanib yihiin aanay hanti dhawr ogolayn.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in shirkadaha Al-Bayrak iyo Favori oo labudba laga leeyahay dalka Turkiga ay muddo sanad ah wadeen howlaha garoonka iyo dekedda, iyadoo aanay jirin cid la xisaabtantay ilaa iyo haatan.

Arrinkan ayaa waxaa uu gaardhy Baarlamaanka Somalia oo ka fadhiisan doono bilaha soo socda iyagoo dib u eegis ku sameynaya howlaha shirkadahan. Baarlamaanka ayaa isla eegi doona waxa laga yeeli doono amar diidada .

News Related