Published:

Muqdisho(GNO)December-25-2015- Maalmihii u dambeeyay warbaahinta reer galbeedka iyo tan Africa ayaa si aad ah u baahinayay go’aan ka soo baxay wasaaradda Diinta iyo awqaafta iyo gole sare oo arrimaha Diinta u qaabilsan Somalia, kaas oo ku saabsan in la mamnuucay munaasibado ku saabsan ciidda Masiixiga iyo dabaaldegyada sannadka cusub inay Somalia ka dhacaan.

Warbaahinta reer galbeedka oo soo xiganaysa agaasimaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somalia Sheikh Maxamed Kheyroow iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, guddoomiye xigeenka golaha sare ee arrimaha Diinta ee Somalia ayaa sheegay in Somalia laga mamnuucay, islamarkaana hay’addaha ammaanka dalbaday sidii ay u hakin lahaayeen qabanqaabada arrimahaasi ku saabsan. Waxay ku sababeeyeen inay ka soo horjeedo caqiidada umadda islaamka ah iyo sidoo kale in Al-shabaab weerarro la beegsan karto.

Haseyeeshee, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Somalia, Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa sheegay inaanu jirin go’aan guud oo xukuumaddeed ah oo mamnuucaya in Somalia lagu dhigo xafladdo lagu xusayo ciidda masiixiga iyo dabbaaldegga sannadka cusub. Waxa uu go’aammada masuuliyiinta ku sheegay inay ahayd soo jeedin culimo.

Wasiirka ayaa VOA u  sheegay inay jiraan in qaar ka tirsan culumadu ay soo jeediyeen talooyin ah in xaflado dalka lagu dhigo ay keeni karaan khalkhal dhinaca amniga, kuna  taliyeen in laga hortago”Horta go’aan guud oo soo baxay ma jiro oo heer xukumadeed ah xataa heer wasiirro ah. waxa jiray in agaasimaha guud ay talo siiyeen rag culimo ah oo ay leeyihiin waxaa soo cusboonaaday xafladdo diimeed ku saabsan Kirismas-ka oo laga yaabo in dad Soomaali ahi dhigayaan, islamarkaana ay suuro gal tahay in fikir diimeedo kala duwan iyo khalkhal amni soo galo Soomaalida, sidaas darteed ayay agaasimaha wasaaradda iyo guddoomiyaha Banaadir arrinkaas u soo jeediyeen,” ayuu yidhi wasiir Baqdaadi.

 

News Related