Published:

Hargeysa(GNO)Xasan-Dhuxul-Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo dhawaan qaliin fudud loogu sameeyay magaalada Hargeysa, ayaa ku jira xaalad caafimaad oo wanaagsan.

Abwaanka oo yaala cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa, oo uu shalayΒ Geeska AfrikaΒ booqday, ayaa sheegay inuu ku jiro xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan, waxaanu wakhtigaas ku jiray socod iyo adeegyadiisa oo uu isagu qabsanayay, β€œWaxaan walaal ku jiraa Alxamdulilaah, Alle ayaa mahadleh, waxaanan dareemayaa caafimaadkaygii oo siΒ  wanaagsan u soo noqday oo waanigan aad I arkayso ee shaqaysanaya, markaas waxaan marka koowaad u mahadcelinayaa Alle SWT, marka labaadna waxaan u mahadcelinayaa dhakhtarkii ii sameeyay qaliinka fudud, marka saddexaadna waxaan u mahadcelinayaa dadweynaha iyo saaxiibaday oo ii soo duceeyay, waxaanan leeyahay Alle wuu ii aqbalay ducadii oo waan caafimaaday.” ayuu yidhi Abwaanku.

Abwaanku, wuxuu sheegay in maalmihii uu ku jiray cisbitaalka Gargaar ay dhakhtaatiirta iyo hawlwadeenada kale ee cisbitaalku si wanaagsan ugu shaqeeyeen.

News Related