Published:

Hargeysa(GNO)December-06-2015- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdillaahi Ibraahin Habbane, ayaa layaab ka muujiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa, kaasi oo sheegay in si caddaalad ah loo qaybiyay deeqdii waxbarasho ee ardayda Somaliland ka heshay Ethiopia. Waxa uu ambassador Galaal jawaab ka bixiyay cabasho Hargeysa ka jirtay oo u dhexaysa arday sheegtay in deeqda waxbarasho laga reebay iyo wasaaradda waxbarashada, balse hadalkaasi waxaa si kulul uga jawaabay wasiir Cabdillaahi-dheere.

Wasiirka waxbarashada ayaa ku taliyay in cid walba shaqadeeda ku eekaato, wuxuuna ku dooday in deeqdii waxbarasho ee sanadkan markii ay ardayda ku fillaan wayday la hakiyay ama la joojiyay gabi ahaan “ Safiirkeena jooga Addis Ababa ayaa ka hadlayay oo lahaa caddaalad baanu u qaybinay, dugsiyada hadlayaa qabyaalad bay ku hadlayaan, goorma ayuu isagu wasiirkii waxbarashada noqday? Goormuu isagu imtixaannada qaaday oo og yahay ka sarreeyay iyo ka hooseeyay? Arrimahaasi gef weeye. Haddaan ka waramo wasaaradda arrimaha dibada ama xaalka ninka Addis Ababa inoo fadhiya saw khalad maaha? Wuu na waydiin karaa wuxuu odhan karaa “ wixii la ina siiyay siduu inaga noqday ama war iga soo siiya wuu ina odhan karaa” waayo wuu ina metelayaa oo magaceena ayuu ku fadhiyaa laakiin, caddaalad bay ahayd, anaga qaybinay, kuwa hadlayaa qabyaalad bay ku hadlayaan, goormuu isagu dadka Imtixaanaad ka qaaday, goorma ayuu natiijadooda soo saaray? Waar nin walba dariiqiisa inuu garto weeye,” ayuu yidhi Wasiirka waxbarashada Somaliland.

Jawaabta Ra’isal wasaare xigeenka Somalia

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ra’isal wasaare xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo ka soo jeeda Somaliland wuxuu ku dooday inay danaha Somaliland Xamar u joogaan, islamarkaana deeqaha waxbarasho u soo diraan wasaaradda waxbarashada Somaliland. Wuxuu sheegay inay soo direen ilaa 100 arday deeqdood oo Sudan iyo Ethiopia laga helay, balse la musuqay oo aan lagu salayn siday ardaydu u kala saraysay.

Haseyeeshee waxaa arrintaasi ganafka ku dhuftay wasiirka waxbarashada Somaliland “ Deeqo waxbarasho ma helnaa? Magacii Somalia cid baa ku shaqaysanaysa. Kuwo inaga ahina inagayba ina sheegtaan oo ina Carte Qaalib ayaa lahaa deeqaha waxbarasho waanu u soo dirnaa, oo yuu u soo diraa dee? Ma reer Xamarka ayuu ka iibiyaa tolow? Isagase yaa u wakiishay inuu wax noo soo diro anaga,” ayuu yidhi Wasiirka waxbarasho.

Waxa uu ku baaqay in wixii Somaliland caalamku ugu talo galay toos loogu soo gudbiyo “ Waxeena waa in toos la inoo siiyo, iyagu waxooda siday doonaan ha u qaybsadaane, waxan oo maamulo ahna waa isbalaadhin Somaliland ah uun, oo koonfur iyo waqooyi uun baynu ahayn markii la isku biiray, caalamkuna cid walba siday wax u qabsatay wax ha u siiyo oo ha inaga daayo faro galinta” ayuu yidhi Mr Cabdillaahi.

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Waar-Nin-Walba-Dariiqiisa-Inuu-Garto-Weeye-Wasiirka-Waxbarashada-Oo-Si-Kulul-Ugu-Jawaabay-Ambasador-Galaal-Iyo-Maxamed-Cumar-Carte.html#sthash.7T5ofa2b.dpuf

News Related