Published:

War deg deg ah oo ay soo saareen madaxda macaaradka ee reer djibouti ee xaruntoodu tahay magaalada brussels ee dalka begium ayaa waxay xoog u cabaareynayaan taliska ismail omar guelleh oo maanta xidhxidhay masuuliyiin ka tirsan hogaanka sare ee USN.
Sargaal sare oo ka tirsan macaaradka djibouti MR:MOHAMED AHMED (BOSS) ayaa maanta la soo xidhiidhay warbaahinta madaxa banaan ee gabileynewsonline.com isga oo si kulul u cabaaraynaaya taliska ina geele xidhiga xaqdaradaha ee uu kula dhaqmay madaxda macaaradka jooga dalka djibouti & ee iskugu jira dumar,caruur,dhalinyaro & odayaal maanta loo xidhxidhay si kabaxsan sharciga.

Sargaalkan sare wuxuu si cadhowleh uga xumaadey nimankaa masuuliyiinta ah ee la xidhay ee aan marnaba loo soo marin wadadii sharciga ahayd markaanu araknay gardaradaas aan geedna loogu soo gaban ee ka soo horjeeda qaynuunka dawliga ah iyo xuquuqal iinsaankaba waxaan leenahay taliska laxashka saaran ee niyadjabka ah ee dadka xagxaganaaya waxaan leenahay si deg deg ah oo bilaa shuruud ah waa inaad u siidaysaan madaxdaa sharafta leh.

Waxaan caalamka ogeysiineynaa masuuliyiintaas sida sharci darada ah loo xidhxidhay ee ay kamidyihiin Abdirahman barkhad god ,Dahir ahmed farah (DAF) & Giire maydal oo maanta si bani aadamnimada kabaxsan loola dhaqmay waa in si bilaa shuruud ah ooda looga qadaa hadii kale wixii dhibaata ah ee katimaad waxaa masuuliyadeeda iska leh rajiimkaa ina geele.

Mohamed ahmed (boss) oo hadalkiisa sii wata wuxuu ugu baaqay wadamada daneeya dalka jabuuti sida reer europa union oo uu ugu horeeyo dalka france & maraykanka ama usa & wadamada ku jira jaamacada carabta in arimahan ka socda dalka jabuuti ay soo faragaliyaan taliskan mucaganga ah ee raba inuu dalkayaga baabiiyana waa iney ka qabtaan.

Baaq uu u diraayo shacabka reer jabuuti meel kasta oo ay joogaanba waxaan leeyahay waa inaad halganka aad sii wadaan oo aad u sarakacdaan taliskana aad ridaan aanad isku duubnaataan gaban mayno indho gibidhsan mayno wixii nala kudboon waan gudanaynaa.

Xafiiska macaaradka djibouti ee
Dalka belgium brussels
Mohamed ahmed abdilahi (boss)

News Related