Hargeysa(GNO) Dis.27, 2015 – Go’aamo ay soo saartay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo la xidhiidha adkaynta Amniga iyo Nabadgelyada Dalka.
Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JSL oo uu shir-guddominayay Madaxwaynaha JSL, lana qabtay24/12/2015,Β kana dhacay hoolka shirarka ee Madaxtoyada, ujeedadiisuna ahayd adkaynta nabadgalyada iyo amniga qaranka, gaar ahaanΒ ilaalinta xuduudaha dalka (Cir, Bad iyo Berriba) iyo khataraha ka iman kara isu socodka, ayaa waxa lagaga dooday qodobada hoos ku xusan:
1)Β Β Arrimaha Isu-socodka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya,
2)Β Β Adkaynta Xuduudaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah,
3)Β Β Ka hortagga Tahriibayaasha dhexmara Jam. Somaliland,
4)Β Β Dadka Ajaanibka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Somaliland,
Haddaba, Golaha Wasiirradu markii ay si miisaaman oo qoto dheer uga doodeen ugana baaraan dageen arrimaha Isu-socodka dalalka deriska ah, isla markaana ay si qoto dheer ugu kuur galeen xaaladda haatan taagan ee la xidhiidha Dadka Ajaanibka ah ee Dalka Sharci-darrada ku jooga iyo Qul-qulka Tahriibayaasha iyo dadka wax tahriibiya, waxay go’aamiyeen qodoban hoos ku xusan.
GO’AAMADA GOLAHA WASIIRRADA
1.Β Β Β Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya ee u kala Safraya labada dal:
Dadka u dhashayΒ Dalka SoomaaliyaΒ waxaa laga rabaa:
a)Β Β Β In ay haystaan aqoonsi buuxa (passport) si ay uga soo deggaan Β Β Β garoomada dalka Jam. Somaliland ama uga soo galaan xuduudaha kale.
b)Β Β Β Qofkii ka dhoofaya garoomada Somaliland ee aan haysan passport waa in uu ka soo qaato xafiiska socdaalkaΒ βSomaliland Immigration Officeβ warqaddaΒ socdaalka eeΒ ku laabashada dalkiisaΒ βGo Home PaperβΒ Β ka hor inta aanu goosan ticket-ka duulista uu ku laabanayo.
c)Β Β Β Dadka reer Soomaaliya, si loogu fududeeyo looguna dhiirigeliyo inay sticmaalaan Passport-ka dalkooda (Soomaaliya), qiimaha gelidda dalka βEntry Feeβ waxa laga dhigayΒ $15Β (shan iyo toban Dollar) qofkiiba.
2.Β Β MuwaadiniintaΒ Jam. SoomalilandΒ ee u kala Safraya labada dal:
Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u socdaalaya Dalka SoomaliyaΒ βMarka laga reebo inta aan xeerararka JSL u oggolaynβ waxa looga baahan yahay in ay haystaan:
a)Β Β Β Passport-ka Dalka Jam. Somaliland, hadii kale Ticket looma goyn doonoΒ ama
b)Β Β Β Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID),
Muwaadinka u dhashay Jam. Somaliland ee ku soo noqonaya dalka waxaa looga baahan yahay:
a)Β Β Β In uu haysto/in ay haysato Passport Jam. SomalilandΒ ama
b)Β Β Β Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID)Β ama
c)Β Β Β In uu keeno/ in ay keento qof dammiin ah oo isaga/iyada garanaya in uu yahay /in ay tahay muwaadin u dhashay Jam. Somaliland ah, isla markaana uu soo buuxiyo/ ay soo buuxiso Warqadda Macluumaadka Shaqsiga oo ay bixin doonaan Shirkadaha Diyaaraduhu.
3.Β Arrinta Dadka Ajaanibka ah ee Sharci-darrada ku jooga Dalka iyo Qul-qulka Tahriibayaasha:
1)Β Β Waxa reeban in qof ajaanib ahi uu dalka iska soo galo bilaa Fiise (Cir, Bad iyo Berri)β fiisaha dalka lagu soo galayo waxa laga bixin doonaa marinka ugu horeeya ee uu qofku Jam. Somaliland ka sooΒ galayo, iyadoo si degan loo hubinayo. Sidoo kale, Fiisaha dalka lagu soo galayo waxa uu qofku Β ka soo qaadan karaaΒ dalka uu ka imanayo isagoo maraya Xafiiska Somaliland uga furan dalkaas.
2)Β Β Waxa reeban in dadka shisheeyaha ah ee aan isir ahaan u dhalan JSL ay sharci-darro ku joogaan dalka. Laga bilaaboΒ 01.01.2016Β ruux kasta oo sharci-darro ku jooga JSL waa in uuΒ kaga baxo 30 cisho gudahood, ama waa in uu muddadaa gudaheeda ku qaatoΒ Warqadda Oggolaanshaha Degganaanshaha Dalka. Muddadaa kaddib, Hayβadaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka saaraan Dalka Jam. Somaliland.
3)Β Β Laga bilaabo 01.01.2016-ka, goβaamada ka soo baxay XukuumadduΒ waxay si rasmi ah u mamnuucayaanΒ in Goobaha Ganacsiga sidaΒ Hoteellada la seexdo,Β Xawaaladaha,Β Guryaha la kireeyo,Β Macraddada Baabuurta, iwm ay qofka u adeegaan ilaa ay si buuxda u hubiyaan sugnaanshihiisa oo ay waydiiyaan aqoonsi βID cardβ isla markaana ay nuqul ka reebaan aqoonsigiisa.
4)Β Β Laga bilaaboΒ 01.01.2016-ka, goβaamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaa inΒ Shirkadaha Telefoonnada iyo Is-gaadhsiintuΒ ay iibiyaanΒ sim-card-ka telefoonka aqoonsi laβaan.Β Cid kasta oo loo furayo khadka telefoonka waa in la diwaangeliyo, koobi aqoonsigooda ahna laga reebo.
5)Β Β XukuumaddaΒ JSL waxay shacbi weynaha Jam. Somalilandka ku adkaynaysaa inay feejignaadaan kana wada shaqeeyaan sugitaanka amniga iyo xasiloonida dalkooda. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay shacbi weynaha ku wargelinaysaa inay u hoggaansamaan goβaannada cusub isla markaana ay buuxda ula shaqeeyaan Hayβadaha Qaranka ee amniga ku hawlan.
6)Β Β Waxa reebanΒ in qof ajaanib ahi wax shaqo ah ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland ruqsad laβaan. Cid kasta oo aan u dhalan dalkan, waxa ku waajib ah in ay qaadatoΒ Warqadda Ruqsadda Shaqada. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, qof kasta oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya Dalka (nooc kasta oo ay tahayba)Β waa inuu muddo ku siman 30 cisho ku qaato Warqadda Ruqsadda ShaqadaβWork Permitβ. Muddadaa kaddib, Hayβadaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka joojiyaan shaqada uu hayo, haddii aanu lahayn sharcina ay Dalka ka saaraan.
7)Β Β Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Laanta Socdaalka) iyo Hayβadaha kale ee ay arrintani khusayso waa in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan meel marinta iyo fulinta goβaamadan saamaynta ku leh arrimaha nabadgelyada dalka.
8)Β Β Iyadoo laga duulayo xaaladaha amniga mandaqada Geeska Afrika, dhinaca kalena mudnaanta la siinayo nolosha iyo daryeelka muwaadiniinta JSL, Xukuumadda JSL waxay si cad ugu digeysaa Tahriibayaasha dalkeeda dhex mara. Ciidamada iyo Hayβadaha kale ee ammaanka waxa la farayaa in ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.