Published:

Hargeysa  (GNO)-Xildhibaanada saddexda Xisbi ugu jira  Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay aragtidooda ku saabsan loolanka loogu jiro Kursiga Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo la filayo inuu iska casilo.

GGGGGGGGGGG

Xildhibaanada oo kala ah Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Xildhibaan Weli Axmed Xaawa oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ee kulmiye, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya inay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye faragelin ku hayaan Golaha, isla markaana ay Guddoomiyaha la rabaan Xildhibaan Kulmiye ka tirsan inuu kursiga Cirro ku fadhiisto.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee UCID oo aanu ugu horeyn aanu weydiinay aragtiisa ku saabsan loolanka Kursiga Cabdiraxmaan Cirro ayaa  yidhi “Marka uu Guddoomiyaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Cirro uu ka tago xilka Kursiga Guddoomiyaha Wakiilada, saddexda Xisbi way u siman yihiin, Xildhibaanadu way u siman yihiin, ee abaabulka laga wado Qasriga Madaxtooyada iyo ololaha Kulmiye ee ah inay faraha kula jiraan Wakiilada waxa aan leeyahay wax aad wadaan joojiya,  oo Madaxtooyadu ha ku eekaato hawlaha ay Qaranka u hayso, Kulmiyena hawlihiisa ha qabsado, Golaha Wakiiladu sidii hore maaha, ee cida wax dooranaysaa waa Xildhibaanada, cidii ay u gartaan ayaana noqonaya Guddoomiyaha Wakiilada”.

Xildhibaan Wali Axmed Xaawa oo isna ka tirsan Xisbiga Waddani oo aanu wax ka weydiinay aragtidiisa ku saabsan loolanka loogu jiro kursiga Guddoomiyaha Wakiilada ayaa yidhi “Ilaa hadda Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wali Golihii kamuu tagin, wali Kursigii Guddoomiyaha Wakiilada iskamuu casilin,marka waa laga fiicnaa in loolan loo sii galo isagoo Guddoomiyihii joogo, waxa kale oo aan leeyahay waxa wanaagsan in mar walba lagu dadaalo cadaalada oo marka la gaadho wakhtigaas uu xilka ka tago cadaalad ha lagu tartamo”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo isna ka tirsan Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye oo isna aanu wax ka weydiinay aragtiisa ku saabsan loolanka iyo wararka sheegay in Kulmiye faragelin ku hayo Golaha ayaa  yidhi “Waan soo dhaweeynayaa in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Cirro uu ka tago xilka Guddoomiyaha, una madax bananaado hawlihiisa Xisbiga Waddani, balse ilaa hadda kamuu tagin, mana qurux badna in isaga oo jooga loolan loo sii galo,waxaana jira  buunbuunin iyo warar xaqiiqda ka fog, oo ah in Xisbiga Kulmiye faraha kula jiro Golaha Wakiilada, waxa aan leeyahay waxa haboon in mar walba xaqiiqda laga hadlo, oo wax la iska hubsado, sida runta ahna cida dooranaysa Guddoomiyaha waa Xildhibaanada Golaha Wakiilada, qofkii ay isku raacaan ayaana noqonaya Guddoomiyaha Golaha Wakiilada”

News Related