Published:

Hargeysa (GNO)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Guddida uu Madaxweynuhu u magacaabay isku socodka labada Shacab ee Somaliland iyo Somaliya, waxayna sheegeen inuu Madaxweynuhu ku deg degay Guddidan oo aanay jirin baahi loo qabo.

hhhhhhhhhhhhh

Xildhibaanadan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isagu ah Xildhibaan Mucaarad ah oo ka tirsan Xisbiga UCID ayaa sheegay in tan iyo markii ay Xukuumaddu bilawday wada hadalada Somaliya in Siyaasadii Arrimaha Dibadu uu hoos u dhac ku yimid, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Tan iyo markii  Xukuumaddani taladda dalka la wareegtay,Siyaasadii Arrimaha Dibada dhadhankii ayaa ka tagay, oo hoos u dhac ayaa ku yimid, waliba waxa uu hoos u dhacaasi bilaabmay markii ay wada hadalada Somaliya la bilawday, oo sumcadii aynu ku lahayn Caalamka ayaa hoos u dhacday,  hadda oo uu Madaxweynuhu ka tanaasulay inuu isku soo sharaxo Doorashada dambe, may ahayn inuu Guddi u magacaabo Labada Shacab ee Somaliland iyo Somaliya,maxa yeelay arintan Guddidani waa arin xaasaasiya oo shakigeeda leh, haddii aanu nahay Xildhibaanada arintaas wax ayaanu iska weydiin doonaa, Sabtida (Maanta).

Marka laga hadlayo qadiyad iyo masiirka Umadda in loo indho bato oo qeybaha kala duwan ee Bulshada in lagu daro ayaa haboon, balse inay Xukuumaddu isku koobto maaha, sida cadna Shacabka Somaliland go’aan ayey qaateen, go’aankaas oo ah inay madax banaan yihiin oo aanay Somaliya dib ugu noqon doonin, marka in wax la weydiiyo ayey ku qurux badan tahay”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo isna ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay Guddida uu Madaxweynuhu u magacaabay isku socodoka labada Shacab ee Somaliland iyo Somaliya, “Guddidan uu Madaxweynuhu u magacabay isku socodka Somaliland iyo Somaliya, ee uu leeyahay waxa aan u magaacabay xidhiidhka iyo ganacsiga labada dal iyo waliba in nabada galyada la ilaaliyo, oo aan la garanaynin wakhti la magacaabay waxa aan u arkaa inay tahay sharci daro, maxa yeelay markii hore labada Shacab xidhiidh ganacsi ayaa ka dhexeeyey, Dalka Itoobiya jaar ayeynu nahay, Dalka Jabuuti jaar ayeynu nahay, Shacabkooda xidhiidh ganacsi iyo xidhiidho kale ayaa inaga dhexeeya, ee haddii daacad laga yahay muxuu Madaxweynuhu Guddi ugu magacaabi waayey wadamadaas; waxa aan u arkaa inay Xukuumaddan jabisay sharcigii iyo dastuurkii dalka, hore waxa aynu u ogeyn in la furay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, waxa aynu arkaynaa halka aynu maanta marayno ee waxa aan Golayaasha Guurtida  iyo Wakiilada ugu baaqaya in la laalo oo laga noqdo wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, maxa yeelay maanta waxa aynu maraynaa Guddidi labada Shacab ka talo bixisa, barina waxa xigi doonta Guddidii midnimada,ee maanta ayeynu dhawnahay ee waxa aan ku talinayaa in laga noqdo wada hadaladaas,”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xukuumaddana rajo alaale rajo ay ka damacsan tahay Shacabka ma jirto, sababto ah Cashuurtii ayey ku kordhisay, Maceeshadii ayaa cirka ku maraysa, Hantidii danta guud ee Shacabku lahaa ayey cid gaar ah badh ka wareejisay, badhna wey iibisay, waxa u hadhay oo qudha inay dadka iyo dalka  Somaliya ku wareejiso, ee waxa aan leeyahay dadka tashada, oo dantiina ka tashada.”

News Related