Published:

cirroUgu horeyn waxaan salaamayaa dhamaanba bahda saxaafada iyo guud ahaan iyo gaar ahaan,waxaan leeyahey ”ascw”

Ka dib somalida ayaa ku maahmaahda aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban ma maanta ayaa uu caroog qaylo dhaan ah oo qabiileysan tumayaa cabdi raxamaan cirro iyo kooxda qaabka qabyaaladeysan ugu ololeynaaya ee sheekadoodii dhaafi weyde muuse biixi ayaa halkan marey iyo muuse biixi ayaa ciidan watey, waa wax lagu qoslaa hadalada cataabka ah ee ninka aan siyaasada iyo aqoontoona laheyn ee cabdi raxmaan cirro uu reerkiisa la dhex wareegaayo.

Siyaasadu gedaas maahan kuna darso oo wali murashax ma tahid xitaa wuu garan waayey.
Balse waxaa cad in aanu wadani xisbi aheyn ee uu yahey NGO qof leeyahey waayo dee ninkaasi ciro ayaaba isa siiyey oo isgoon murashax aheyn oon wali xitaa shirkii qaban ayuu ololeynayaa sow lama odhan karo wuu iska sharaxanyey? oo cidba isma weysiineyso murashaxnimadiisa? xisbi miyaan odhan karnaa mise waa HANTI uu qof iska leeyahey? jawaabta dadkaan u dhaafayaa.

Barigii hore xisbiyada waxaa tartamaayey sadex xisbi oo kala ahaa Udub , kulmiye, iyo ucid. maanta waxaa saaxada soo galey xisbi uu hogaaminaayo nin aan laheyn adkeysi siyaasadeed iyo aqoon , waayo aragnimo siyaasadeed, balse marka shan gool oo kulul hoosta loo gasho ku muusa naaba tolaayey, ninkaasi waa cirro waa siyaasiguu somaliland ugu liitey een anigu arko.

durba iyadoon la isba gaadhin ayaa waxa uu bilaabey waxbaa la xoogayaa iyo waxbaa la rogayaa dee haduu durba quustey isagoon walina aheyn murashax ha iska joogo.

Ta kale cabdi raxmaan cirro maahan qof taariikh leh waa nin uu faysal cali waraabe dalka iyo dadkaba keeney isagoon hami iyo qabi siyaasadeed midana laheyn ayuu faysal ka soo kaxeeyey dalka finland oo uu caydha ku qaadan jirey waxaana laga yaabaa in uu faysal ninkan dalka dib uga saaro oo uu ku noqdo meeshii uu qaxootiga ku ahaa.

Xisbiga uu gudoomiyah ka yahey ee wadani waxa uu ka dhigey xisbi qabiil waxa horboodaaya koox wada fudud oon is ogeyn meesha ay marayaan iyo halka ay u socdaan waxey ka ceytamaan ooy ka qeyliyaan mereegaha ciro lagu taageero oo foolxumo iyo sir la aan ay ka muuqato qoraalada iyo waxey ku hadaaqayaan oo dhamaantood ah tolaaye aabahey gobolan iyo cirro goblan.

Xisbiga wadani , durba wuu saqiirey oo waxey ka dhigeen meel uu qabiil kaliya leeyahey waxaa kuu cadeyneysa safarkiisii waxba muu soo kordhin waxa uu tagey meeshii uu islahaa reerkiina ayaa degan bal in uu dhoohanyey cirro wax uu qaadey ama uu ku daydey wadadii uu muuse biixi hortii marey waayo malahan aqli kale oo uu barnaamush siyaasadeed ku curin karo.

Ugu danbey bulshada somaliland aqli iyo aqoontoona kuma oga feedhyahan ciro ee waxa loo diri doonaa naadiyada feedhka iyo qabyaalada ee musaaracad loo yaqaano hogaan dal ma gaadhi karee.

hoos ka daawo feedhii cirro

Gudoomiye Cirro Oo Feedhay Ku Xigeenkiisa Baashe

image

Gudoomiye Cirro Oo Feedhay Ku Xigeenkiisa Baashe

Qore: Tahir hussein.

London ,uk

News Related