Published:

Hargeysa(GNO)January-04-2015- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde,Β  oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa mucaaradka ku eedeeyay inaanay danaynayn ammaanka dalka, islamarkaana jecel yihiin ammaan darro. Wasiirku ma sheegin cid gaar ah oo uu ku eedeeyay hase ahaatee wuxuu mucaaradka ku tilmaamay kuwo aan muraad ka lahayn ammaanka qaranka.

Geesta kale waxa uu sheegay ballanqaadyo dhexmaray Beesha Cali Khaliif oo xukumaddu Caynaba kula gashay heshiis dhinaca ammaanka iyo horumarka khuseeya. Waxa uu sheegay in balanqaadka xukumaddu ku salaysnaa wax wada lahaanshaha iyo caddaalad samaynta bulshada Somaliland.

 

News Related