Published:

Hargeysa(GNO)January-02-2016- Komishanka doorashada iyo saddexda xisbi qaran ayaa shir jaraa’id wada jir ugu qabtay xarunta komishanka doorashada ee Hargeysa, waxaanay farriin u direen bulshada Somaliland gaar ahaana, bulshada reer Togdheer oo inta bishan lagu gudo jiro diwaangalinta codbixiyuhu ka bilaami doonto.

Wakiillada saddexda xisbi qaran oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa guddida ku ammaanay dadaal badan oo ay galiyeen qabsoomidda diwaangalinta hadda bilaamaysa, waxaanay bulshada ugu baaqeen inay is diwaangaliyaan, maadaama diwaangalintu tahay halka ay masiirkooda ku bedeli lahaayeen, islamarkaana doorashada kaga qayb gali lahayd bulshadu.

 

News Related