Published:

  • Nuxurka Shir Uu Dr. Ciise Kayd La Yeeshay Waxgaradka, Siyaasiyiinta Iyo Ururka
    Dhalinyarada Ee SAMANE Iyo Qoddobada Ay Ka Wada-Hadleen.
    Runta marka la sheego magaca mooyee wax ay Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo
    KULMIYE ay ku kala gedisan yihiin ma jirto.
    Hargeysa(Hayaannews):-Murrashaxa u taagan doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee soo
    socota ee Beesha ARAB ee Samane Aqoonyahan Dr.Ciise Kayd ayaa waxa uu kulan is-xog-
    wareysi ah la yeeshay Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka Iyo Ururka
    Dhalinyarada ee Beeshaasi.
    Shirkan oo ku qabsoomay Huteelka Hadhwanaag Restaurant ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa
    uu ahaa mid ay iska xog-wareysanayeen xaalada uu wakhtigan dalku marayo, sidii bulshada loogu
    wacyigelin lahaa inay qaataan Kaadhka codbixinta iyo weliba xisbiga uu murrashaxoodu iska soo
    sharixi doono doorashada soo socota ee Golaha Wakiillada Somaliland.
    Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka Iyo Ururka Dhalinyarada Samane ee Beesha
    ARAB oo dood iyo falan-qeyn dheer, kadib waxay isla qaateen inay dib ka soo sheegi doonaan
    Xisbiga ay murashaxooda ka soo sharixi doonaan, balse may sheegin Saddexda Xisbi Qaran ee
    UCID, KULMIYE iyo WADDANI kuu yahay.
    Murrashax Dr. Ciise Kayd oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu ku taageersan
    yahay go’aanka ay Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Ururka Dhalinyaradu
    isla qaateen ee ah inaynu ka soo fikiri doono Xisbiga aan iska soo sharixi doono,balse aanay imika
    jirin Xisbi aan ku jiro oo saddexda Xisbiba ay ii siman yihiin.
    “Waxa muuqata sida aanay xukuumaddan talada dalka haysaa u qiimayn balamihii ay u balan-
    qaadeen xiligii ay ololaha doorashada Madaxweynanimada ku jireen”. Ayuu yidhi Ciise.
    Aqoonyahan Ciise Kayd ayaa ka hadlay Xisbiga uu jecel-yahay inuu iska soo sharxo mustaqbalka
    oo uu ku biiri doono, waxa uu yidhi “Runta marka la sheego magaca mooyee wax ay Saddexda
    Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ay ku kala gedisan yihiin ma jirto. Sidoo kale, ma
    jirto wax qoraal ah oo ay ku kala gedisan yihiin haday tahay Dhaqaale, Dhaqan, Caafimaad, Amni,
    Aqoonsi-raadinta I.W.M.
    Qofka waddaniga ah ee aan qabiil codkiisa ku bixinayna, ma heli karo wax uu ku qanco oo uu ku
    kala doorto Xisbiyada.”
    Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Malaha waxa wanaagsanaan lahayd inay dhowr
    doodood oo Telefishanka iyo Radio-ga-ba lagala socon karo ay hoggaanka Saddexda Xisbi qaran
    iskaga horyimaadaan si ay umadda ugu sharaxaan waxay ku kala gedisan yihiin…….Ma jirto oo
    waxna uma diyaar aha dalkana indho iyo dhago la’i ayay ku wadaan…..Waa doorkii Reer Hebel
    ayuunbaa loo tartamayaa. Doorashadiina ma dhawa sidaad sidaad og-tihiin, wax loogu deg-dego
    in Xisbi Siyaasadeed wakhtigan loogu biiraana ma arko.”
  • “Aniguna noqon maayo siyaasi iska socda oo aan cidna metelin. mar haddii aan qofka lagu
    dooranayn Kartidiisa iyo Aqoontiisa, oo reer lagu dooranayo, waxaan kolkaa anna awood iyo
    karaama-ba siin doonaa oday dhaqameedka Samane oo xaq u leh inay aayahoodo ku
    gorgortamaan, Anigoo ixtiraamaya Siyaasiyiinta beesha ee ku kala jira Saddexda Xisbi, waxaan
    hadana xusuusinayaa in aanay keligood waxba qaban karin. Tusaale ahaan labada nin ee dawlada
    Hoose Caasimada Hargeysa ugu aqoonta baddani waa beesha hadana lama ogola inay Maayar
    noqdaan. Wasiirkii hore ee Madaxtooyaduna reerka si fool xun ayuu ula dhaqmay”.Ayuu yidhi Dr.
    Ciise Kayd.
    Aqoonyahan Ciise Kayd waxa uu dhaliil u-jeediyay Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo, waxaanu
    yidhi “Waxa maalin walba kor u sii kacaya Sicir bararka, Shaqo la’aanta Dhalinyarada iyo Boobka
    Hantida Umadda ay xukuumaddu ku hayso, labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI-na
    Siyaasad qoraal ah oo ay umadda ugu micneeyaan waxay qaban doonaan haddii la doorto ma
    jirto.”
    Sidoo Kale Ciise Kayd waxa uu soo bandhigay waxa kaliya ee ay Somaliland ictiraaf kaga heli
    lahayd bushada Caalamka, waxaanu yidhi“Aqoonsi raadistu maaha dalka isu-taga Imaaraadka
    Carabta oo lagu noqnoqdo, maaha Soomaaliya oo la baryo, maaha Magaalo yar oo England ku
    taala oo Calan yar laga taago.Balse waxay u baahan tahay lacag aad u baddan, loobi iyo looyaro,
    waxaan ka dooni lahaa Eretria, Sudan, qaar ka mida dalalka Afrikanka oo baddan, iyo weliba
    China, Russia iyo Israel.”
    “Dawlada maxa ka hortaagan in ay soo rogto, Shaqada qaranka (National Service-ka) arday wal
    oo iskuulada ka soo baxaa inta aanu tahriibin waxa laga yaabaa in xirfado aanu aqoon ka baran
    karo shaqada qaran. Somaliland waxay u baahan tahay, Xisbi Is-bahaysi adag ah oo la sameeyo,
    Xisbigaana ay madax ka noqdaan dadyow aan Xisbi lahayn imika ee Bariga, Galbeedka iyo kuwa
    dhexe ee ka soo hor-jeeda Xisbiyadeena Siyaasadeed ee qabaa’ilka ku dhisan,Sidaas darteed
    Arab ha joogo sidi sidida oo dhul u dhaciisa ha hubsado. Khiyamooyinkii horena wax ha ku
    qaataan”
    Mustafe-janaale

News Related