Gabileynewsonline.com
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB 2016Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)
January 4, 2016 - Written by admin
-
-
Saadaasha xidiguhu waa mid lagu falan-qeeyo isbedelada cimilada, hawada, bad-maaxida,
dowladaha, sidoo kalena ku dhaqan saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeedka
bulshaweynta, kuwaasoo u sahamiya beerahooda, xoolahooda, iyo noloshoodaba, haddaba
mar uu abwaan Xassan Xaaji Cabdilaahi “Gannay” uu kaga maansoonaayey Maansada
Duufaan, taasoo uu u adeegsanayey dhaqanka iyo cimiga xidigiska ee dhinaca xoolaha iyo
nooloha kale, gaar ahaan xiliga sumalka lagu daro idaha, wuxuu yidhi, “Dabtuurkoo arbaca
galay idahayga dayrtii, darbanah shakaalani, danbarsamaha ma afuro, oo waxaan dib ugu
dhigay, falaggaan dabci aqaan, xilligii uu di’I jiray inuu roob ka daba maray, waydaarshay
daydana, waxaan uga danleeyahay, markuu cawl xilli u dayay dhadiguu dul-saarnaa, anniguna
dadbaan ahay jiilaalna waa daah” Maansadan oo aan ka soo xigtay buugga “Bad Macaan” ee
uu qoray Maxamed Ahmed Xassan (Qodax).
Somalidu waxay yidhaahdaan cawlku wuu u xidiga tirayaa wakhtiga uu u tagayo lamaanihiisa,
haddase, waxay saynisyahanadu ogaadeen in ay jiraan dhadig ka mid ah noolaha duur-joogta
ahi inay dib u dhigi karaan xilliga foosha haddii ay soo wajahdo xaalad abaareed.
Garasho Eebbaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo
qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,
Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Intuu adamihiisa ku
manaystay wax kooban, Inkastoo arrimaha saadaashaa wax laga weydiiyo dad khibrad gaar
ah u leh aqoonta saadaalinta.
Haddana Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay aad u
jecelystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda,
laakiinse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma adkeysan karaan
haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo fool leh noloshooda saamiga ay ku
leeyihiin farxad iyo naxdin ogaanshahooda.
Odoroska mustaqbalka saadaasha Sannadka Cusub ee 2016, haddaynu male aadame ku
male’awaalno, waxay odhan jireen “ dadka ku xeel -dheerayaasha cilmiga odoroska xidiguhu:-
Waxaan u eegay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Nayruus Jimcaad waxa loo
nisbeeyaa ka labaad ee sawra waana burjiga dibiga oo ku aadan mudada u dhaxaysa 20/4-
20/5, waa dhadig, waa laba maalinle, maalin axadeed buu leeyahay, godadka dayaxa uu ku
leeyahay Laxmar, Agaali-cad, oo ku began xilliga badhtamaha gu’ga, waana arliyo, waxaana
lala xidhiidhiyaa, Xamaasad iyo dareen kicineed leh, raadinta farxada, dul-qaadka, samirka
badan, kuna dadaalaya ammaanka dhinaca dhismaha dhulka oo aan ka istaagin, aamin ah,
oo leh baahi xoogan dhinaca ammaanka, isla markaana jecel oo joogteeya xalinta
khilaafaadka xasaasiga ah, tayada go’aanka, sifaha loo nisbeeyo waxa lagu tilmaamaa, ku
tiirsanaanta, xeerka, ficil celinta.
-
Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa Afar waji, Wajiga Hore wuxuu ku leeyahay,
Quruxda, quruxda labiska, rayraynta, riyaaqa, rabitaan, faraxa, jacaylka, kaftanka guurka,
qoysnimada, haweenimadda, shaashaarida, dharka dumarka, galmada, lacagta, qalabka qoob-
ciyaareedka, dheel-dheelka, maaweelada, dhaqankii hore, iskaashiga, wada-noolaanshaha,
xidhiidhka, isdhexgalka bulshada, xarumaha bulshada, Macsiyada, farshaxanka, caddaaladda,.
Wajiga Labaadna waxa loo eegaa:- Isbedelka, aragtida, riyooyinka, walaaca, caafimaadka,
midho-dhalka, dhameystirka, hooyonimada, haweenka, qoyska, dhalmada, dareenka, hibada-
dareenka, lacagta, ilmada, fahamka deg-dega ah ee dareenka bulshada, fikradaha guud ee
dadweynaha, baaxa-dega, Bad-maaxyadda, farsamo-yaqaanada qasabadaha, dadka caadiga
ah, darajooyinka uu maro liska caanaha, taranka, koritaanka, wax-soosaarka, Khamiirinta,
dareerayaasha, kal-kaalinta, dadka-guracan, go’aan qaadasho la’aan dhanka rayiga iyo fulinta,
cabsida, tayadda maskaxda, dadnimada, caadaysiga dareenada dadka ku abuura khayaalka,
dareenada khaldama ee keena kama’a humaag maskaxeedka.
Wajiga saddexaadna:- ciidammada, budhcad badeeda, dagaalka, dilka, dhiigga, halyeeyada,
muranka, tamarta, gaadiidka, farsamo-yaqaanka dhismayaasha, hiliblayaasha, maamulka sare,
maldahaada, hamadda, taranka, madadale, cayaaraha, qalliinka.
Wajiga Afaraadna:- Furriinka, carqalada, dhul-gariirka, xagjirnimada, qaniimada, soo
jiidashada, xiisaha-badan, xorriyadda, isbedelka, cadhada, fusuqa, kacdoonka, isbedel-
kacdoon, hadal-heynta fowdada , waxyaabaha naxdinta leh ee sida lama filaanka ah u dhaca,
dhacdo uguba oo aan hore loo arag, wax-aan la saadaalin karin oo aan caadi ahayn, baadhid
qotoda-dheer iyo aaladaha cusub.
Wuxuu si gaara u khuseeyaa dhinaca Awoodaha-: In la Joogteeyo dulqaadka iyo la
xisaabtanka.
Arrimaha gaarka ahna :- wuxuu inagula talinayaa in ahmiyad-weyn la saaro dhinaca
arrimaha dibada oo aanay noqonin mid madax-adayg, ka hor inta aanay sii kordhin caqabadah
inagga horiman doona.
Wuxuu jecel yahay: barwaaqada, Lacagta, Cuntada wanaagsan, iyo cabitaanka, raaxada,
daryeelaka xoriyada nolosha, dareemidaasi waxay haysataan jaar badan, xarrago, alaabta
guriga u qurux badan, katiifadaha, jawi habboonaanta.
Waxaanu necebyaha:- Is-bedelka deg-dega ah, kuwa laxaadka la’a iyo Heehaabka.
Noolahana dadka (Insaanka) wuxuu ku sugan yahay waxa loo nisbeeyaa:- Xasillooni, kana
maarmi Karin dareenkoodu xiisaha nolosha, waxay leeyihiin dabeecado deg-dega uu ku jiro oo
fudud, haddana waa kuwo si fudud u hela farxad, sababtoo ah maaha qaar tartama,
dabeecadooda dabacsan iyo dareenkooda guud ayaa u horseeda inuu ku hoggaamiyo dhinaca
fulinta, waa kuwo leh samir-joogteyn ah, dadaalkana xooga saara, lehna adkeysi dhinacyo
badan ah, waa kuwo degan oo leh habka fikir gaabis ah, laakiin waa kuwo markay hadlayaan
bedela maskaxa-aadamaha, waxay nacaan isbedelka guud ahaaneed iyo go’aanada waaweyn
ee dhinaca wadada-nolosha.
Jidhka Oogaddiisana wuxuu ka khuseeyaa qoorta, guddaha jidhkana waxa loo eegaa
hunguriga iyo wixii la xidhiidha.
Cuduradana wixii la xidhiidha dhego-xanuun, fiixaha ka soo baxa cunaha ee la yidhaahdo
(Goutres), barar ku yimaada qanjidhada qoorta, qanjo- xanuunka, macaanka, qalalka, cayilka
“Buurnida” calool- istaaga.
Midabadana, wuxuu ku leeyahay midabka cagaarka, basaliga, huruuda iyo midabka buluuga
ah, Macdantana, Dhaymanta “ diamond” Emarolka “ Emerald” Luulka iyo dhagaxaanta
-
dahabiga ah ee la yidhaahdo “topaz iyo coral” , Dhagaxa, birta iyo cusbadana wuxuu ku
leeyahay, Jaandiga, kaalshimka iyo sulphate potassium.
Dhanka shaqada waxa loo nisbeeyaa:– isbedelka nolol dhameystiran, khabiirka barwaaqada,
Sidii loo ilaalin lahaa khayraadka dabiiciga ah. Si loo gaadho hiigsiga iyo in dadka kale la siiyo
awood si ay u helaan nolol, Xirfadahana:- waxay noqdaan cunto-kariyaha,
farshaxnaka,wakaaladaha qaranka, wakiilada guryaha, shaqaalaha kaydka lacagaha,
saxeexayaasha, fanaaniinta.
Mandaqadana dalalaka : Switzerland, jasiiradaha Giriigga, Ireland, Cyprus, Iran. Russue,
Caasimadahana: Dublin, Palermo, Parma, Luzern, Mantua, Leipzig, Saint Louis, Ischia, Capri.
Xayawaanka: Geeslayda Loda, Geedaha Cuntada: tufaaxa, canabka, baaradhada, midhaha
la miiro, Digita, baderka, hadhuudhka, canbe-caadka, geedaha cuntada lagu iidaamo, caleenta
shaaha, Geedahana kuwa uduga ee beenyada, ubaxa, Dhirtana kuwa laga sameeyo
daawada, cuntadana waxa u wanaagsan in la isticmaalo cuntooyinka faa’iidada leh, sida ,
digirta iyo celery , aad ugu socon kara. Runtana Allaa Og.
Sannadkan cusub ee 2015, wuxuu Dayuxu ku curtay burjiga 9-aad ee liifato oo ah naari,
waxaana la odhan jiray wuxuu lee yahay, Adkeysi jidheed iyo mid maskaxeed, waxaana loo
baahdaa heshiis wanaagsan iyo waxqabad firfircoon, had iyo jeer jidhka iyo maskaxduba
waxay u baahdaan inay si xoriyad ah u dhex-mushaaxaan rabitaankooda.
Inkastoo bulshadu aanay kala garanin dareenada xamaasada leh ee rajadeedu aadka u
sareyso kala duwanaanshahooda dhabta ah ee ay leeyihiin xafiiltanka iyo xiqdiga aadamuhu,
wada-xidhiidhka dadkuna waxay la kulmaan erayo la buubuuniyey, hab-dhaqanka wanaagsani
iyo fur-furnaanshaha waxay horseedaan in kasbado saaxiibo badan oo ku xiiseeyaa, laakiinse
saaxiibadaada dhabta ahi, waxay noqdaan wax yar oo kooban.
Mararka qaarkood waxa la dareemi doonaa in baahi loo qabo dhaqdhaqaaqa ama ururo
kooxeed ka sameysma dareen shaqsiyadeed, waxaana haboon in la ogaado shaqsiyaadkaasi
meesha ay ka socdaan iyo halka ay u socdaan, inkastoo haddana lagu tilmaamo in waxoogaa
isbedelo ah oo illaa xad aan wanaagsanaynin uu ku yimaado maskaxaha aadamaha, gaar
ahaan, madaxda iyo rajooyinka, sidoo kalena, waxay soo jeedin doonaan inay wax fiican ay
wadaan, isla-markaana la aamino, wixii ay wadeena daruur kastana gudaheehada waxaad ka
dhex-arkaysaa dahaadhka lacagta.
Wax kastoo dib u dhac innagu keena, kasoo kabashadiisu maaha mid sahlan oo isla-markiiba
aad si fudud dib ugu soo bilawdo, nasiib-darro’se, waxa inta badan ku guul-dareysta, waa kuwa
aan waxbaba ka baran khaladaadkii hore, dareenkaagu inuu wax fahmaa waa sax, laakiin waxa
haboon ka hor inta aanay waxaasi dhicin wixii malahaaga ah inaad ka hadasho,
Waxa intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey, waxaana la odhan
jiray;- haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo
midna lagama sheegi jirin. Runtana Allaa Og.
Habeenka curashada Sannadka cusub ee 2016, Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga dabooje ee
arliyo ah:- wuxuu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dhex-dhexaadinta, Qowlka saxda ah,
-
iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu tilmaamo
inuu leeyahay waxoogaa khatar ah.
Dayax labaatanaad waxa la filan jiray dayax madoobaad, waxa kale oo la filan jiray in
maalmahani ay leeyihiin in dib u eegis lagu sameeyo wixii khaldamay, lana xaliyo muranadii
jiray ka dibna la hagaajiyo camalka, xilligan qayb bay ka tahay billowga, la qabsiga caadeysiga,
furniinka, walaaca, dhaleeceynta iyo caadooyinka xun ee aan loo baahnayn, waxa kale oo ay
leedahay dareenka kicinta, go’aan qaadashada, ka hortagida, sameynta waxyaabaha aan la
rabin, Xaaladaha aan loo baahnayn, daaweynta, ka fikirka dariiqooyinkii gaboobay oo la qabto.
Yoolkeedu waa: In billowga shaqaa oo laga saaro caqabaaha hortagagan, loona mahad-naqo
wixii aad aad ku gaadhay hadafkaas, ee la xidhiidha koritaanka dhirta ka baxday beerta.
Dadka habeenkaa dhasha waxa la odhan jiray, waa kuwo digtoon, shaqo adag, xishoo badan,
wax-tar leh, daacad ah, qabow, Aamin, nadiif ah, oo leh himilo mustaqbal, maskax-furanaan,
wax fahmi kara, oo leh karti, dareen feejigan oo xad dhaaf ah, isla markaana si halis ah wax u
lafa gura, macquul ah oo ku wanaagsan abaabulka, nidaamka, laakiin sidoo kale dareema
cidhiidhi maskaxeed, xisaabtan, xajiimeyn, wer-wer, cabsi, la cadaadiyo, qabow ama kullul.
Dhanka wanaaga:- Waa kuwo had iyo jeer jecel in aan lala wadaagin sheekada, oo hamuun u
qaba illaalinya iyo dhawritaanka deegaanka, isla-markaana leh falanqayn fiican iyo caqli
wanaagsan.
dhanka mugdiga ah:- Waxay noqdaan kuwo leh qab, isla-weyn, gorfeeye, takoore, dawlad,
suuban, saxane, oo gaadha guul la taaban karro, inta badan isticmaalida fikiradaha takoorista
ah, isla-markaana horumaiye xirfadda naftooda.
Waxaanay noqdaan : Xisaabiye, xoghayaha, qorayaasha, saynisyahanada qalabka casriga ee
lagu shaqeeyo, kalkaalisooyinka, dhakhaatiirta.
Burjigan waxa kale oo uu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dhex-dhexaadinta, Qowlka
saxda ah, iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu
tilmaamo inuu leeyahay waxoogaa khatar ah. Runtana Allaa Og.
Nayruuska Sannadkani wuxuu ku curtay maalin Jimcaad oo Arliyo ah, waana maalinta Lixaad,
waxaana la odhan jiray maalin Jimcaad waxay leedahay, waa maalin u fiican in lagaga
faa’iideysto wixii ku lug leh jacaylka, saaxiibtinimada, kalgacal, wada noolaansho, dib u
heshiisiinta, , quruxda, is-dhexgalka bulshada, waana maalin u fiican lacagta, farshaxanka,
quruxinta shaqada
Sannadkan Cusub waxa kale loo eegi jiray dhinaca hawlaha, awoodaha waxa soo gaadha
waxyeelooyin, waxaana haboon in la iswaafajiyo inta u dhaxeysa dib u cusboonaysiinta uu ku
noqonayo meeraha raage burjiga fushade iyo meeraha illi ma’qabatiga ee u socdaali doona
burjiga habar-adhi, wuxuu si dhaqsaha u sii wadi doona, isla-markaana la dareemi doonaa
inay sii xoogeystaan muranada shaqsiyeed ee dhinaca hiigsiga himilada dhabta ee shaqsi
kastaaba uu doonayo inuu gaadho, dhamaana dadka ku xeerani waxa ay ku hawlan yihiin
sidaas oo kale, waxaana laga yaabaa in midkoodba midka kale uu u yahay wax-qarxaya,
amaba mid waliba midka kale uu lid ku yahay oo uu rabash kagala soo horjeedo, isagoo u
maraya dariiqooyin kala duwan.
Warka wanaagsanina waa kaas uu midba midka kale aanu la rabin wanaag, marka laga reebo
dadka in yar oo ka mid ah ayuun baa caqabadahaa adag si fudud ugaga gudbi karta oo uu Alle
garansiiyey, sidoo kalena, lagama yaabo in la dareemo waxa wanaagsan ee jira.
Inkastoo natiijadu ay tahay mid wanaagsan, haddana isbedelada ficil celinta shaqsiyeed ee
hawada lagu isku marin doonaa, waxay amakaag ku abuuri doonto hirarka ku xeeran garaadka
Aadamaha, waxaanay awoodahasina ay sababi doonaan awood dheeraada oo ka weyn ka
heerka lagu cabiro Aduunka.
Isbedelada tamarta waxay noqon doontaa dheecaamada shahwaadka, taas macnaheedu waxa
weeyi in wax-kasta laga dareemi doono dhaq-dhaqaaq xawlin, oo aad uga sareeya ka kasocda
garoonka dhexdiisa, laga yaabee in la dareemo wax-badan oo la jecel yahay”
Haddii la dareemo diiramaad ama qabow, Iffafaalaha cimilada dabiicga ah ee u dhaxeeya
dhalashada xagjirka, waxa la dareemi doonaa diirimaad badan iyo qabow badan, sidoo kalena,
haddiiba ay hawada iyo dabeyshu noqoto qoyaana, waxa la dareemi doonaa qoyaan aad u
badan.
Sida ay muuqato dhinaca siyaasada, waxa la saadaalinayaa, in shaqsiyaadka awooda lihi, ay
isticmaali doonaan awood badan, kuwa dhibanayaasha ahina waxay dareemi doonaan in lagu
muquuniyey awood daradooda, suntaas daawada kaliyaata ee lagaga hortagi karaana waa
naxariista.
Taageerida qof jacleysigu waxay noqon doontaa tayada qiimaheedu mid ay ka dhalan karto
qas, waxa kale oo la filan jiray falalka nasiibka, naxariista, iyo inay rag badani ay xoog wax ku
doonaan, arrintani waxay ahmiyad gaara u leedahay isku dheeli-tir , waxa kale oo falalku
noqon doonaan nasiibka argagaxisada, rabshadaha iyo culeyska xad-dhaafka ah ee awooda
dawladeed soo wajihi doonto. Runtana Allaa Og..
Ugu danbeyntii, xalka kaliyaataa waa in dib loogu noqdo dheeli-tirka qiimeynta mushkilada
ruuxiga ah ee aan dheeliga tirnayn ee soo if-baxay, waxaana haboon jaceylka, raxmada,
naxariista, daacadnimada, cibaadada iyo qiyamka oo la weyneeyaa ay noqon doonto ta
kaliyaata ee lagaga fogaado xumaha iyo wixii macno darada ahaa ee soo gaadhay
garaadkooda Aadamaha.
Taas maaha macnaheedu inay tahay oo qudha in dhacdooyinka wargeysya, mareegaha
wararku inay ahaadaan qaar xasilooni ku sugan iyo in falanqeynta tayada wanaagsan ee
shaqsiyadaadu abuurtaa ay aad u jeclaysan doonaan dunidan kugu xeeran wakhtigan, sidoo
kalena, qofka aadamaha ah ee aad badeshaa ama aad jihaysaa, waa mid faa’iido weyn u leh
oo ay ka timaado xasiloonida deganaansho dhex-dhexaadka ahi, dhinaca kalena, marka laga
eego talaaba kasta oo horre loo qaadaa waa wax wanaagsan oo la gaadhay.
Sannadkan waxa laga yaabaa inay had iyo jeer ay u muuqato xallinta shaqooyinka,
farsamooyinka, dhaqanadii hore ee salaadiinta iyo dhaqanada ruuxiga ah, fikrado badan oo
deg-deg oo uu fudeyd ku jiro, kuwaasoo maxsuulka ka soo baxa loo arko mid wanaagsan ama
kuwo xanuun reebaya, marka lagu darro nidaamka caadeysiga fikradaha iyo afkaaraha sida
wada-jirka ah ee dadaalka badan loogu jiro.
Sidaa daraadeed, waxa haboon inaynu wax badan ka fikiro, kuna saabsan, “ Inaynu ka fikirno
waxa aynu doonayno, in ka badan waxa aynaan dooneyn ” sababtoo ah, waxyaabihii
xumaa ee ina soo maray ee soo dhacay, way kugu dhici doonaan mustaqbalka, haddii aan wax-
badan laga fikirin.
Maxaa yeelay , haddii lagu cel-celiyo fikradaha xun-xun , waxay abuuraan inay ku sii
xoogeysataan, ka dibna ay tamar ku sii yeeshaan, waxa ay ahmiyadu tahay in maskaxda lagu
hayo inaynu Rabigeen ugu shugrino natiijooyinka wanaagsan, inta aynu jeclaysan lahayn wax
badan oo ah dhinaca mustaqbalka nollosha.
Shaki kuma jirro in la gaadhay wakhtigii la dedejin lahaa horumarka inta aanu isbedel ku
imanin, haddaba tani waxay muujiniysaa in la weyneeyo nabada iyo wada-noolaanshaha
Sannadka 2020, waxaanay Isbedelladaasi ku lug yeelan doonaan dhinaca darajooyinka,
sinaanta, dhaqan-dhaqaale iyo qarankaba.
Sannadkan waxa lala xidhiidhiyaa dhinaca dawladaha, in ay qalabka farsamada casriga ee
isgaadhsiintu ay si fudud inoogu sahleen in la gaadho burburkii ku yimid qaab dhismeedkii iyo
nidaamkii dowladeed ee jiray, haddii ay noqon lahayd , mid dhaqaale,mid iskaashi, dhamaan
adeegyaddii arimihii bulshada iyo xidhiidhadii badnaa ee hayduhu la lahaayeen xukumadaha,
dhacdooyinkii soo jireenka ahaa ama soo xidhiidhsanaa, sidaa awgeed, waxa ay u muuqataa
in si wanaagsan loo xalin doono, isla-markaana, si wadajir ah oo fir-fircoon loogaga qayb
qaadan doono, haddii Alle yidhaa. Runtana Allaa Og.
Kulanka Meeraha nasiibka iyo jilboole waxay badeli doonaan wadahadalka meeraha
gobonimo doonka iyo xoriyada ee Raage iyo meeraha Illi maqabatiga ah waxay si qoto dheer
isku badeli doonaa meeraha Pluto bisha saddexaad, shanaad, lixaad, sagaalaad iyo ta laba iyo
tobnaad ee Sannadkan, waxaanay noqon doonaan bilahaasi kuwo ugu wax qabadka badan.
Waxaana haboon in wax wanaagsan in la qabato, isla markaana, aad loo xoojisaa qiimaha
jacelyku u leeyahay, nabada, wada-noollaansha, tanaasulaadka, naxariista, farsamooyinka
ruuxiga ee fikradaha wanaagsan, xaqiijinta iyo xoojinta rajooyinka nasiibka kadiska ee
naxariista badan.
.Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha uu ku curtay
Sannadkan cusub ee 2016. Dib u noqoshada meeraha libdhe wuxuu dib u eegis iyo dib u
sixid ku sameyn doonaa hoos u dhicii ku yimid wakhtiyadii la soo dhaafay, wixii uu ka bartay
casharadii hore, dhaqaaluhu ma xuma, inkastoo ay isgaadhsiintu yaraato.
mudo ka dib wuxuu dib ugu noqon doonaa burjiga sowra, wuxuu ku dadaali doonaa curinta
fikrado waaweyn oo xeeladaysan dhinaca fikirka iyo dulqaadka, meel kasta oo la joogana waxa
la arki doonaa xikmado badan, waxa haboon in la xoojiyo oo la sameeyo dabacsanaan, waa
haddii lagugu madax-adkaado.
Mar-kale wuxuu isku dayidoonaa in aanu wax-badan diirada saarin oo aanu faah-faahinin , ka
dib markuu u socdaali doono burjiga dabooje, talaabadaa uu dib u qaadayna, waxa la arki jiray
qorax madoobaad ka dhaca wadamada Africa bisha sideedaad, kowdeeda ee Sannadkan 2016,
waxaana la saadaalinayaa inay isgaadhsiintu yaraato, dhaqaaluhu fiicnaado, waxaana la filan
jiraj, Bisha saddexaad 8/9 ee Sannadka 2016-ka, Qorax-madoobaad laga arko wadamada
koonfurta bari ee aasiya, waqooyi galbeed ee Australia, iyo baweynta hidiya iyo Pacific,
waxaana soo if baxda, isla-markaana samada isku shareerta xaalad dawaakhaadeed oo
nafeed. Runtana Allaa Og.
Meeraha mushtar iyo meeraha illi maqabatiga ah, waxay ku dadaali doonaan in wax-kasta oo la
qabanayo loo yeesho adkeysi iyo go’aamin, ka dibna, uu dib u xalin doono xaaladii soo if
baxday marka ay kulmaan meeraha Jilboole, oo ay sameyn doonaan aassaasska xidhiidhka
shaqooyinka gudaha, ururada, dhismaha, dhaqamada,
Labada siyaariin ee mushtar iyo Raage oo ku kulmi doona jiho toosan, waxa la saadaaliyaa in
Fikradaha xagjirka ah la aqbalo iyo inay sii xoogeystaan riyooyinka cusub ee mustaqbalku.
— 23-ka bisha saddexaad waxa la saadaalinayaa, Dayax madoobaad in lagu arki doonaa
penumbral waqooyiga iyo koonfurta America, Asia, Australia, badaha Pacific, Atlantic iyo
badweynta hindiya, Arctic and Antarctica. Runtana Allaa Og.
Maluugta Mariikh oo saddex xaggal u mari doonaa burjiga naariye ee qows, wuxuu ku
dadaalayaa inuu dhameystiri doono mashaariicihii hore loo bilaabay, waxaana la sugi doonaa
illaa iyo inta uu maluugaasi si toosa ugu noqonaayo bisha lixaad, 29, Sannadkan, ka hor inta
aanu bilaabmin halista isbiimayntu, burjiga caqrabka, wuxuu doonayaa in hore loo sii
dhaqaajiyo mashaariicdii dib u dhacu ku yimid iyo in hore looga sii socdo natiijada wanaagsan
ee ka soo baxda midhaha wax-qabad.
18-ka bisha August, waxa la saadaalinayaa in mar-labaad Dayax madoobaad laga arki
doonaa Waqooyiga iyo Koonfurta America iyo Australia, waxaana laga yaabaa inay soo
if-bixi doonaan ururo kala qaybsan, waa xilli loo baahan yahay koox ay dadku jeclaystaan
maskaxdooda kuwaasoo ku haboon marxaladan hadda la joogo oo aan isbedbedalin,
Wareega kulanka labada meere ee jilboole iyo meeraga Illi maqabatayga ag, waxay ku
dadaalayaal ka fikirka sidii kor loogu qaadi lahaa cibaadaysi, Alle bariga iyo qaabkii loo sameyn
lahaa xasaanad, waxa kale oo ay ku hawlan yihiin, illaalinta, Xad-gudubyada dhinaca
mabaadi’da ruuxiga ah.
16-ka bisha sagaalaad ee Sannadkan waxa la saadaalinayaa in dayax madoobaad lagu arki
doonaa wadamada, Europe, Africa, Asia, Australia, badda Pacific, Atlantic, iyo
badweynta hindiya, Arctic iyo Antarctica, waa xilli loo tafaxaytay in la wajaho xaqiiqad, aad
bay u fududahay in heshiis la aaminsan yahay la gallo oo qodobadooda. Runtana Allaa Og.
Meeraha Jilboole oo wareega saddexaad kula kulmi doona meeraha Uranus , waa wakhti
aan la rumaysan karrin wax-qabadka qaab-dhismeedadu ay bixiyaan. Runtana Allaa Og.
Dr. Maxamed Faarax Qoti
COMMENTS
|
Latest News
|