Dollarized economoy waxa lagu tilmaama Dalka & Dadka naca lacagta qaranka “National currency “, ee kalsoonida kala noqda.. Waxay ku bedeshaan “Doolarka “ kana digtaan “ Legal tender”. Waa marka shacabku wax walba ku iibsado doolar “curency substitution “, xukuumaduna cashuurta ku qaadato doollar, mushaharkana ku bixiso doollar “ Real sector dollarization “ Waa marka dadku hantidooda gaar-ahaaneed ku kaydsadaan “doolar “ Private sector dollarization”. Sida ku-qeexan daraasad ay soo saarty IMF, dalalka Africa ee dhaqaalahoodu ku sar-goanyahay doollarka waxa ka mid Somaliland 93 % ,Congo 91%, Uganda 52%, Tanzania 47% ,Angola 44%, South Sudan 26%. Halkaas waxa ka muuqata inay Somaliland gebi ahaanba ka aminka baxday lacagta qaranka “SHL”. Wadamada 100%dolarized-ka ah waxa ka mida Ecuador, Panama iyo Salavador oo dhaqaalahoodu ku xidhanyahay USA. Dhibaatooyinka dhaqaale ee soo waajaha wadamada ku dhaqma “dollarised Economy “ waxa ka mid ah :
1. Bankiga Dhexe oo aan xakamayn karin xadiga lacagta “ Money supply “
2. Bankiga Dhexe oo aan awood sharci u lahayn dabacaada doolarka “Printing of US Dollars”
3. Bankiga Dhexe oo aan awood u lahayn fadhiisinta sarifka lacagta qalaad “ Foreign exchange stability’
4. U.S Doolarka oo yaraada iyo qiimaheesa oo kor u kaca.
5. Lacagta qaranka “ National currency “ oo qiimaheedo hoos u dhacdo.
6. Sicir-barar xad-dhaaf ah & maciishada oo qaali-noqota “high inflationary pressure”
Doolarku wuxuu Somaliland kasoo galaa dhoofinta xoolaha iyo qurbajoogta , waxaana 70% urursada ganacsatada waawayn sidaDahabshil, Telsom, Indho-deero Group;Omaar Group;Af-diinle 571 iyo qaar kale. Waxa kale oo doolarka uruursada Qasriga Madaxtooyada,Xubnaha xukuumadda & xaaraan-quutayaasha ku xeeran.Waxa dulman danyarta, saboolka, reer miyiga , beeralayda iyo wadhatada .
GUNAANAD : Madaxwayne Ku-Xigeenka Saylici uma bilowna cilmiga dhaqaalaha & sicir-bararku. MADAXAWYNE Silaanyo waxa la gudboon :
1. Inuu aamino Somaliland SHL, cashuurta ku qaado ,mushaharka ku bixiyo, ku kaydiyo dhigaalka dawladda ” Gov’t Deposits” , joojiyo daabacaada isdaba-jooga ah ee Somaliland shiling,loona yaqaano “Filipino/Indhoyar”
2. In Bankiga Dhexe ku waajibiyo ganacsatada & sariflaydainay ugu yaraan 50% kaydkooda lacageed “Monetary deposits “ u rogtaan somaliland shilling.
3. In la xadido lacagta lagu xawilo ZAAD & E-DAHAB oo aanay ka badan $ 50 per person per day.
4. In la joojiyo boobka hantida qaranka ee doolarka lagu uruursanaayo.
Ugu danbayn, waxa la gudboon danyarta & saboolka inaanay cod-danbe siinin Xisbiga Kulmiye ee holaday Xukuumada Murdiso.
La soco qormada “SHANAAD”
Drs. Hoodo Yusuf, London.