Published:

Siyaasiiyinta reer Somalidland inta badan waxa lagu xantaa in ayna si gabasho lahayn ugu tuntaaan sharciga wadanka una musuq maasaqaan hantida qaranka ta ma guurtada ah iyo cashuurta dadka tabaalaysan laga soo ururiyayba. Waxay inta badan qarannews ay soo bandhigtaa xatooyada iyo ficilada qaranka dhaawacaya ee inta badan ay ku kacaan xubno ka mid ah xukuumad kulmiye iyo waliba qoyska madaxweynaha, taasna ceeb kuma laha, wayna ku amaanan yahiin inay Bulshda reer Somaliland ay usoo bandhigaan sida loogu tuntay sharcigii Wadanka iyo sida loo boobayo hantidii ummada. Hadaba waxaan is waydiiyay maxay ku kala duwan yahiin kuwa imika hantidii umada aan u naxayn ee jeebadaha ka buuxsanaya iyo kuwii Wadanka hore u boobay ee xukumadii Udub ee uu kow ka ahaa, Cali maxamed Warancade, (Aabaha Musuqa iyo Naxarariis Darada,), Ismaacil faqash, Cawil, ina xoorxoor, Ina sulub iyo qaar kale oo badan. Waxa Qarannews iyo warbaahinta kalaba aan ka codsanaynaa in ayna tuugta kala jeclaysan ee si isku mid ah ay bulshada ula wadaagaan kolba dhacdooyinka xaqiiqada ku suntan ee ay ka hayaan Siyaasi ku sheegta ku mamay hantida ummada inay xalaashadaan.

Sidaasi darteed, ma yara Tuugta wadanka boobaysa ee horana u boobtay imikana mar labaad nasiibka u heshay inay boobaan oo waliba ay gabood falo kale u gaystaan bulshadan dulman ee la qaybsaday. Waxaa warbaahinta magan looga yay in si cadaalad ah ay toosh ugu ifiyaan cidkasta oo xil haysa ama aan haynin magacay doonanba ha lahaadaane oo dhagar ka gasha ummadan haraadan ee sixir bararka, shaqo la aanta, iyo dowlad xumadu ay ku habsatay.
Abdi Ismail Abib.
Ant, Belgium.

News Related