Published:

Hargeysa(GNO)May.4,2016-Janankii hore ee ciidammada qaranka JSL Gen. Maxamed Xasan Cabdillaahi [Jidhif] ayaa ka sheekeeyey shakhsiyaddii iyo aqoontii uu u lahaa madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal, oo bud-dhig u ahaa nidaamka dawladnimo iyo haykalka maamul ee qarankani ku naalloonayo. Muj. Jidhif oo u warramay warbaahinta qaar waxaa uu marxuum Cigaal ku tilmaayay halgamaagii 2aad ee Afrika Soo maray marka Nelson Mandella laga reebo ee isagu xabsi u gala qaddiyada dadkiisa.

Xogwarankan Muj. Jidhif oo qayb ka ah xuska markii uu geeriyooday Marxuum Cigaal oo hadda afar iyo toban sannadood uu sii mootan yahay, waxaa uu ka hadlay qadiyadihii kala duwanaa ee uu soo maray, isaga oo shacbigiisa uga tegey dhaxal ay u aayeen  oo ah nidaamka dawladnimo iyo kala dambaynta uu qarankani ku caano maalay, kaasi oo seeskiisa uu lahaa marxuumku.

“Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxaa uu ahaa siyaasiga labaad ee afrika iyo dunidaba soo maray  ee qaddiyadiisa u gala xadhig iyo xabsi, Waxaan la ilaawi karin halka uu kala mataanka ahaa Nelson Mandella” sidaa ayuu Muj. Jidhif Yidhi, waxana uu intaa ku daray “ waxaynu ogayn in isaga oo Marxuum Cigaal ah reysal-wasaaraha dalkii la odhan jiray Soomaaliya uu Iqilaab ka dhacay isaga oo dalka dibadiisa ku maqan kadib markii la dilay madaxweynihii Cabdirashiid Cali Shar’ma’arke. Waxaan xasuustaa Mar Cigaal la waraystay oo la weydiiyey in uu dalka ku noqonayo in kale, wuxuu markaa ku jawaabay :…oo haddaa ma halkan aan marayo [Mareykan] ayaan leeyahey waa khasab inaan dalkii ku noqdaa. Markii uu noqdayna  waala xidhay muddo badan ayuu xidhnaa 21kii sanadood ee Afweyne wuxu kusoo qaatey intii badneyd Xadhig illaahay naxariistii jano haka waraabiyo Marxuum Cigaal waxa uu ahaa Shakhsiga kaliya ee la qadiyad ahaa Nelsan mandella Afrika oo dhan,waxeynaan ilaawi karin Taariikhdiisii baalka dahabka ah aheyd ee Somaliland iyo mudadii uu Madaxweynaha ka ahaa khudbadihiisii kalsoonida lahaa ee murtida iyo sharaxaada,iyo Tusaalaha lahaa sikasta oo uu usoo diyaarsado hadana balaaqadiisa iyo jeedintiisu waa Taariikh maanta u duugan Somaliland qodob la tuuraa kuma jiro khudbadihii iyo halku dhegyadii uu ka tagey, Anigu Jidhif ahaan waan lasoo shaqeeyay waxaan kasoo wada shaqeynay Dhismihii Ciidanka Booliska Somaliland, bilowgiina aniga iyo Cabdi dhiboo ayuu noo magacaabey oo gacanta ula tagney Dhismaha Ciidanka Booliska inkastoo marar badan nala soo kala dhex galey; haddana la’aanti ma suurtowdeen haddaanu gacantiisa ula iman dhismahaasi. Ciidanka Boolisku sitoos ah ayaanu u wada xidhiidhi jirney markuu arrimo badan ogaadey”. “Qof kasta oo reer Somaliland ah waxa waajib ku ah inuu illaahay u baryo u marxuumka inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo oo kaalintiisii iyo doorkiisii iyo haykalnimadiisii intaba lagu soo xuso oo lagu xasuusto”Ayuu yidhi Mujaahid Jidhif. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi. “Dalka inuu joogo iyo in uu ka maqan yahey waalakala yaqaaney Xaalad kasta oo dalka kajirta iyo dhaqdhaqaaq kasta marnaba ma aheyn wax ka qarsoon,majirin awood kasta oo ay leedahay cid sunaha dawladnimo iyo nidaamka ka leexin jirtey ma jirin cid Ciidamada iyo Golaha Xukuumadiisa u dhexeyn jirtey majirin shakhsi waxaan munaasib aheyn ula tagi jirey, majirin shakhsiyaad Reernimo iyo nidaam qabiil ula badheedhi jirey, ma jirin masuul ka qarsoon oo Golaha Xukuumadiisa ahi ma jirin, illaahay naxaristii jano hasiiyo inakana ha ina garansiiyo in aynu tubtii fiicneyd ee uu inooga tagey in aynu dhabaheeda hayno”Ayuu Yidhi Mujaahid Jidhif.

Sida Oo Kale isaga Oo Mujaahid Jidhif Ka Hadlaya Dhinaca Musuqmaasuqa  Waxa uu Yidhi;

“ Wuxuu Cigaal ahaa madaxweynaha keliya ee meel adag ka taagnaa ilaalinta hantida ummada, waxaa tusaale inoogu filan; may jirin wax hanti ah oo uu dhistay intuu noolaa, gudo iyo dibadba,  run ahaana waxaa muuqata in dadka iyo dalkaba uu ka baxay halyey ay u baahnaayeen”.

Source Hubaal

News Related