Published:

1103Hargeysa(GNO)  Magaaladda Berbera ayaa saaka ku waabariisatay Mudaharaadyo goos-goos ah iyo Waddooyinka oo lagu gubay Taayero dhawr meelood oo kala duwan, waxana saaka Taayiro lagu gubay Wadada Halbowlaha ah ee dhex martaa magaalada iyo sidoo kale Wadaada loo yaqaan Finland, iyo Hotel Barwaaqo agagaarkiisa, walow aanay jirin dad badan oo iskugu soo baxeey goobahan, Hase-yeeshee dadweyne ka gadoodsan oo kasoo horjeeda qaabka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo damacsan tahay inay ku wareejiso Dekedda Berbera oo gacanta loo gelinayo Shirkada DP World ee fadhigeedu yahay Dubai, kaddib markii ay xukuumaddu dheggaha ka furaysatay baaqyo iyo soo jeedimo badan oo bulshadda Somaliland kasoo yeedhay.

02Mudaharaadyadan teelteelka ah ayaa si weyn looga dareemay gudaha magaaladda Berbera, iyadoo ay magaaladda ku sugan yihiin Wafti ka socda shirkadda Dp World, kuwaasoo iskugu Injineero iyo Madaxda waaxyaha Dekedda ee Shirkadda Dp World oo xalay saqdii dhexe lagu wareejiyey qayb kamid ah Dekedda Berbera.

 

News Related