Published:

Daawo Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi u Direy Sadex Marxuun Oo Geeriyoodey.Xisbiga Midnimada iyo Horumarka JSL (KULMIYE)
15 June 2016
Ujeeddo: Tacsi

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi  isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga  KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, qaranka iyo shacabka Somaliland ee ay ka baxday marxuumad Hooyo Faadumo Siciid Warsame oo saaka ku geeriyootay magaalada Hargeysa (15/06/2016).
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu si gaar ah geeridan uga tacsiyadaynayaa Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo ay marxuumaddu hooyadii ahayd.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, qaranka iyo asxaabtana samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

News Related