Published:

Saraakiisha kastamka cashuuraha ee ku yaala garoon ay diyaaraduhu ka haadaan oo dalka Kuwait ku yaala ayaa la sheegayaa in ay qabteen laba haween ah oo sitay jaad.qaad

Haweenkan labada ah ayaa waxa lagu soo waramayaa in jaadka ay siteen uu culayskiisu ahaa lix kiiloo garaam.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa jaadkan ay ku soo qariyeen bacaha lagu qaato kafeega isla markaana baadhitaan dheer ka dib laga soo saaray.

Xabsiga ayaa loo taxaabay oo ay iminka ku jiraan, waxaana la filayaa in maxakamad la soo taago oo lagu qaado kiiska iyo dambiga ay galeen.

War kooban oo ay ciidamada kastamka ku sugani kaga war bixinayeen qaabka ay u soo qabteen haweenkan ayaa waxa ay ku yidhaahdeen.

Baadhitaan badan oo lagu sameeyay bacaha ay sitaan, waxa laga helay ugu yaraan lix kiiloo oo jaadka h oo ay ku soo qariyeen bacda kafeega”

News Related