Published:

 

Cusbitaalka Hargaysa:Goob Ganacsi Mise Goob Caafimaad

Cusbitaalka Guud ee Hargaysa Waxaa La Sheegaa Inuu Yahay Xarun Caafimaad Oo Bilaash Ah isla Markaana ay Dawladu bixiso Adeegyada Bukaanka Jiifa Halkaasi Balse Arinku sidaa wuu Ka Duwan yahay Marka la eego Dhinacyada Dawooyinka,Qolaalka Bukaan jiifka,Sariiraha Waadhka,Goobaha Emergencyga Loo Yaqaan,Nadaafada,Biyaha,Laydhka Iyo Talaagadaha Maydka Lagu Rido

Xaalado Murugo Leh Oo aanu Yeeli Karin Damiirka Qof Nool Ayaad ku Arkaysaa  Cusbitaalka Hargaysa Kuwaasi oo midba Mid ka Daran Tahay,Waxaana Indhahaagu Qabanayaan Markaad Halkaasi Ku Sugan Tahay Waayeel Ilmaynaya,Bukaan Jilicsan Oo daryeel Waayay,Neeras Muusig Dhegaysanaya Oo aanay Ka Qasnayn iyo Dhaqaatiir Aan takhasus lahayn oo ku Barbaranaya Bukaan Xanuun Dhibayo Oo Daaweyn u baahan

Rifeerto(Cadaynta Dhaawac Muujinta)

Cusbitaalada Hadaad Ogtahay Iyo hadii kaleba Waxaa Ku Dhex Taala Xafiis ay leeyihiin Ciidanka Booliska Kaasi oo qaabilsan Dhaawac Muujinta si loo Badbaadiyo Dhaawaca Dhiig baxaya iyo Bukaanka u baahan Arin Degdeg ah oo aan Kasoo Laabasho lahayn

Hadaba Dhaawaca La keeno Cusbitaalka Una Baahan Daaweyn Degdeg ah Waxaa amar lagu Bixiyaa Inuu Keeno Dhaawac Muujin Aan Xiligaasi ku Simi Karin Badbaadinta Qof Shil ku Dhaawacmay Ama Xabadi kusoo dhacday Waxaana uu Yidhi Mid ka mid ah Ehelada Dadka Dhaawaca ah ee la Keenay Cusbitaalku Sidan

“Waxaad Aragtaa in Qofkayagii Gaadhi soo jiidhay oo Meel kastaa burburtay,waxaan keenay Cusbitaalka si aan daaweyn degdeg ah ula gaadhno waxaa nalagu yidhi ma sidataan dhaawac muujintii,Maya ayaanu nidhi dabeeto waxaa naloo diray inaanu kasoo qaadano Xerada Taraafikada oo aad uga fog Cusbitaalka,waxaanu ku nidhi Horta qofkani wuu naga dhimanayaaye wax ka qabta anagu ka jiidhay Maba Haysanee,Noo Badbaadiya,Waxay nagu dhaheen ma awoodno anaguna Maanu haysan Gaadhi noo qaada waayo kii noo keenay Markiiba wuu Laabtay,Wadadu waa Xidhan Tahay,Dhaawacu wuu dhiig Baxayaa Waar mee Damiirkii miyaydaan Naxayn oo Islaam Soomaali ah ahayn Waa Maxay Bahalnimadani” Ayuu Yidhi .

Foosha Dumarka,Dhaawaca Meel fog Laga doonayo Maadaama Magaaladu aad u kala fogtahay iyo Maydka La Qaadayo Dhamaanba Waxaa ku Baxa Kharash aanu awoodin Qof Halkaa Dani Gaysay Maadaama loo sheegay inay tahay Goob caafimaad Oo Bilaasha Balse Sixirkeedu Ka Qaalisan yahay Cusbitaalada gaarka loo Leeyahay taasi oo ay u dheer tahay Gudaheeda oo laga Samaystay Albeerkooyin Gaar ah oo La kireeyo,Qolaal Kala sareeya Lana Dhigo bukaanka wixii Wax Haysta Taasi bedelkeeda Bukaanka danyarta ahi wuxuu Badhtanka ugu jiraa Bukaan Qaba Xanuunada faafa Iyadoo Qof Lugi Jabtay Lala jiifiyay Koox Kale oo qabta Joonis Cad,TB iyo Xanuuno kale

Kalkaaliye Caafimaad(NURSE)-

Kalkaaliyeyaal Caafimaad(NURSE) ayaa Goobta Ku Sugan Balse waxay Isu haystaan Dhaqaatiir Qaali Ah Waxaana isaga Khladamay Shaqadooda Iyo Qaabka ay ula dhaqmaan Bukaanka oo aan meelna kasoo Gelin Bini-aadantinimada

Waa kan Mid ka mid ah Bukaanka Cusbitaalka oo  aan wax ka waydiiyay Arintaasi wuxuuna ii sheegay sidan

“Kalkaalisadu waxay Gacmaha ku xidhataa Goloofis si ay u ilaaliso Nadaafada Gacmaheeda oo aan daawayntayda wax uga soo gaadhin maadaama aan bukaan ahay,waxay igu tiri   waxaad soo iibsataa Goloofis,waxaan waydiiyay maanigaa xidhanaya Goloofiska waxay igu tidhi Wuxu Muxuu leeyahay Waa Qalabkii aanu kuugu shaqayn Lahayne Dan Haduu kuu yahay Soo iibso,waxaa taas ii dheerayd iyadoo laygu xidhay Katiitar(Tuunbo Kaadida Qofka Ka Keenta) isla markaana ay ila joogto Hooyo oo Waayeel ah oo aan aqoon u lahayn caafimaadka,Waxaana dhacday markii uu buuxsamay Bacdii Katiitarka kaadidu ayaa Hooyo Tiri Kaalaya u Shaqeeya Bukaanka waxay ugu jawaabeen Maxaad adigu Uga shubi Wayday Hooyana ma garanayso Habka look ala Furo Qalabkaasi Waana Shaqadoodii Mana qabto arinkaasi Qof aan Kalkaaliso Ahayn Sida Caalamka”

Waadhka Cusbitaalka Qolaal ayaa U Eg Albeerkooyin Waxaa la Jiifiyaa Bukaanka Madaxda,Ganacsatada iyo Qof La Garanayo,Waxaana Lagu Jiifsadaa 15 dolar Habeenkiiba Taasi oo ay dheer tahay Iibka dawooyin sida Daadka Laguugu soo daldalayo Kuwaasi oo loo Malaynayo In Lagu Socodsiinayo Farmasii ku Yaala Gudaha Cusbitaalka oo malaha Laga Masruufo Qoysas Xaalkoodu Wanaagsan Yahay.

Gaadiidka Gurmadka Deg-Dega Ah(UMPLANCE)

 

Waxaad Dhegahaaga ku Maqashaa kuna Soo Noqnoqda Hayado,Dawlado Shisheeye iyo Qurbajoog oo Ugu Deeqaya Somaliland amase Cusbitaalka Hargaysa Gaadiidka Gurmadka degdega ah(Anbalaas)Agab Caafimaad,Dawooyin,Furshaan iyo Cuntooyin Balse waxaasi oo dhan Marka lala wareego Lama yaqaan Meel ay ku Danbeeyaan Halka Gaadiidka Gurmadku adigoo u Baahan Cusbitaalka Hargaysa Gudihiisa Hoganayo Iyadoo Lagu Xidhay Dhaqaajintiisa Dhaqaale aan Meel kasoo Gelin Sidii loogu talogalay Waxaana kooto ku Haysta Darawal Isagu diig ka Noqday Maamulka Gaadhi Waqaf ah oo Loogu deeqay dadweynaha

Talaagadaha Maydka

Marxuum Naf Waayay una baahan U Kaxaynta Iilka Aakhiro Ayaa Lagu Xidhay Kasaarista talaagadaha Cusbitaalka Hargaysa Dhaqaale Uu ku Noolaado Qof  Damiirkii Dhintay Isla Markaana Ka Macaasha Siduu u dhibi Lahaa Maydka iyo Ehelada Dad Danyar ah oo aan Iska bixin Karin 30 Dolar oo laga doonayo Waana Mid ka mid ah Murugooyinka ay La ooyeen Maalmo badan Hooyooyin Caruur ay dhaleen Halkaa Laga Geliyay oo u Waayay Lacag ay Dib ugula soo Baxaan si ay u Aastaan

Maydku Wuxuu Leeyahay Xuquuq Balse Madaxda iyo MAsuuliyiinta ka Macaasha Maydka lagu rido Cusbitaalka Guud ee Hargaysa Taasi Kama Dhaadhacsana Inay Sidan Ka Bedelaana Loo Malayn Maayo Maxaa Yeelay Waa Ay Bahaloobeen Sida Xaalku Yahay mana joogaan meel ay ka noqdaan

“Waxaa Layga doonayaa 30 Dolar oo   Cunuga oo Xalay Iga Saqiiray Talaagada lagu Geliyay ,Waxaa laygu yidhi Diktoorka iyo Agaasimaha Cusbitaalka ayaa Lacagta la siiyaa Lamana Baxaysid ilaa aad Bixiso,Markii Danbe Walaal waxaa iga bixisay Lacagtii Gabadh ka shaqaysa Madaxtooyada oo 30 kii dolar Iga siisay markaas ayaan Saqiirkii Kala soo baxay Talaagadii oo Welibana aan Tukhaan u kiraystay oo Xabaalaha geeyey”Ayay Tidhi Hooyo Ilmaheedii Ku Saqiiray Cusbitaalka Guud ee Hargaysa oo Ilmaynaysay

Farmasiiga Cusbitaalka Hargaysa

Cusbitaalka Waxaa Ku yaala Farmasii Lagu Socodsiiyo Dawooyinka oo Ay Leeyihiin  Madaxda Wasaarada Caafimaadka Gaar ahaana Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargaysa,waxaana Dawooyinka Daqiiqad kastaba Loo Qoraa Bukaanka iyadoo loo dirayo Baco dawooyin ah Xili ay Hore Bukaanka u dul Yaalaan Kuwii hore ay ugu qoreen,Waana Mid ka mid ah Sida Dhaqaatiirta aan Takhasuska Fiican Lahayni ay uga Tijaaraan Shacabka Masaakiinta ah ee Halkaasi Daaweynta u Doontay

Maxay Dhimashadu Ugu Badan Tahay Cusbitaalka Hargaysa

Waxaa Lama Huraan ah In Mowdku Xaq Yahay isla Markaana aan La odhan Karin Maxaa loo dhintaa amase Cusbitaalka Hargaysa Geerida ku Badiyay Balse Waxaa jirta sabab aan dadku ogayn oo Cusbitaalka Hargaysa uu Mowdku Shaqadiisa Uga qabsado taasi oo ah Dhamaanba Dhaqaatiirta Ka hawlgasha Hargaysa Gaar ahaana Cusbitaalada Gaarka loo leeyahay

Cusbitaalka Hargaysa Waa goob ay Sumcadooda ku Ilaaliyaan Dhaqaatiir Badan oo Goobo Caafimaad Gaar ah ku leh caasimada waxaana Inta Badan Dhacda Qofka Bukaanka ah ee Aanay Waxba Ka qaban Karin amase ku Waxyeeloobay Hawlgalo Daaweyn oo ay ku sameeyeen La isku Dhaafiyo Cusbitaalka Guud ee Hargaysa Iyadoo Bukaanka Dhegaha Loogu Shubayo Halkaasi ayaa Xaaladaada Wax looga Qabanayaa oo Dhaqaatiir Fiicani Joogtaa ,Maxaa Yeelay Qofkan la dirayaa Waa Bukaan Marxuumnimadiisu Soo Dhowaatay

 

WQ/Mohammed Aden Dirir

Dhamaad Qaybtii 1aad Lasoco Qaybta Labaad

 

 

  • IMG_8892.jpg
  • 543 KB

 

News Related