Published:

 

 

Hargeisa (GNO) Maalmihii u danbeeyay  waxa ay Warbaahinta Masar  aad ugu mashquul sanayd  heshiis balaadhan oo dhex maray  Somaliland iyo Masar .

War baahinta Dalka Masar  umay kala hadhin baahinta iyo ka war qabka Wafdiga Somaliland ee u dalka martiqaad rasmiya ku joogo iyadoo websityo iyo chanels TV ga ah ay qaada dhigayeen xidhiidhka labada dal iyo nuxurka heshiisyada la saxeexay

Nuxurka heshiiska labada  Dawaldood ayaa u dhignaa sidan.

1.     In labada Wasaaradood ee Ganacsiga  ka wada shaqqeeyaan kor qaadka xidhiidhkooda Ganacsi

2.     in Dawladda Masar  ay ka caawiso Shaqaalaha Dawaldda Somaliland dhinaca tababaro lasiiyo shaqaalaha.

3.     in ilaalinta tayada  Cunto  ee Soogalaysa dalka  somaliland lagu tababaro qaabka ay

iskaga baadhi lahaayeen cunada iyo agabka ganacsi ee dalka soo gala iyado masar ay ku tababari doonto Lap Casri ah. 

4.     in wufuud forum ganacsi ay is weydaaran lahaayeen booqashooyin labada dhinac ah iyo in sidii dhinacyada carwooyinka  lagu qaban lahaa Hargeisa iyo Qaahira.

5.     Waxay Masar ka codsatay Wasiirka Ganacsiga Somaliland in xukuumada Maddexweyne Silaanyo uga hawl galsho sidii ay u heli lahaayeen dhul ay ka dhistaan goob lagu qabto Carwooyinka joogtada ah ee wax so saarka Masar.

6.     Iyo Xafiisyo Safaaradeed  oo Rasmiya  ay labada dawladood is waydaarsadaan

Heshiiska taariikhiga ah waxa uu muujinayaa sida  xiisaha leh ee ay Dawaladda Masar u danaynayso  xoojinta xidhidhka ay la leedahay Dalka Somaliland.

Wafdiga somaliland ayaa si  la yaab leh oo meqaam sare ah loogu soo dhaweeyay oo muujinaysaa rabitaanka Masar in ay iskaashi iyo wada shaqeyn balaadhan la yeelan lahayd Somaliland dhinac walba ah

 

News Related