Published:

(SM):-Qaar ka mid ah aqoonyahanka iyo wax-garadka ka soo jeeda deegaanada Gaashaamo iyo Daroor ee gobalka Jarar ee dalka Itoobiya, ayaa madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya uga mahad-celiyey socdaalka uu ku soo maray deegaanada hoos yimaada gobalka Jarar ee dalkaasi, waxaana ay ku boggaadiyeen sida qiimaha badneyd ee uu uug soo kuur-galay sida oo kale uu taakuleynta uga geystay dadkii abaarahu saameeyeen ee deegaanaddaasi, iyaga oo xusay in uu yahay shakhsi ku dayasho mudan oo horumaro ballaadhan ka sameeyey deegaanada ay ka soo jeedaan,Image may contain: 6 people, people sitting

Wax-garadkan iyo aqoonyahankan, ayaa sida oo kale waxa ay xuseen in dhaqdhaqaaqa noocan oo kale ee uu sameeyey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu sababo in dadkii wax kala tirsanaayey ay is cafiyaan isla mar ahaantaana ay iska ilaabaan guud ahaan xaaladahii kala duwanaa ee ay soo mareen.

Image may contain: 10 people, people sittingWaxa kale oo ay si aada ugu boggaadiyeen sida hagar-la’aanta ah ee uu mar walba ugu taagan yahay taabo-gelinta iyo wax-ka-qabashada baahiyaha kala duwan ee gobalkaasi.

DAAWO, wax-garadka iyo aqoonyahanka ka soo jeeda deegaanada Gaashaamo iyo Daroor oo Warbaahinta la hadlaaya iyaga oo ku sugan Hargeysa.

News Related