Published:

xaglatoosiyeBuuhoodle (GNO)- Shir lagu qabtay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolkaas Buuhoodle ayaa lagag dhawaaqay jabhad cusub oo la magac baxday jabhadda xoraynta Khaatumo, taasoo la sheegay inay dagaal kala hor iman doonto dawladda Somaliland.

Jabhadan ayaa ka soo hor jeedd wadahalada Somaliland iyo kooxda Khaatumo uga socda dalka Itoobiya, waxaana hogaanka jabhadani ku eedeeyeen Cali Khaliif iyo maamulkiisa inay hog madaw ku rideen rabitaankii dadka deegaanka waa sida ay hadalka u dhigeene, sidaas daraadeedna ay la wareegi doonaan masuuliyadda xoraynta Khaatumo.

Kulankaasi shalay ka dhacay Buuhoodle ayaa guddoomiye loogu doortay, nin lagu magacaabo Faysal Falaalug oo ahaa wasiirudawlihii amniga ee kooxda Khaatumo, waxaana kuxigeenkiisa loo doortay Bashiir Maxamed Xirsi halka afhayeena loo doortay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal.

Afhayeenka jabhadan Somaliland diidka ah Axmed Maxamuud Doolaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay u midoobeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen Somaliland, waxaana uu yidhi:

β€œWaxaanu u midawnay inaanu halgan jabhadeed kula dagaalano maamulka Somaliland, jabhadana waxaanu ugu wanqalayna magaca Jabhadda xoraynta Khaatumo”.

Jabhadan cusub ee lagu dhawaaqay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay wadahadalo u socdaan Somaliland iyo Cali Khaliif Galaydh, waxaana xusid mudan inay caado noqotay in mar kasta oo jabhad la soo xero galiyo ay jabhad kale ka dilaacdo gobolada bariga Somaliladn, laga soo bilaalbo markii la soo xero galiyey Axmed Cabdi Xaabsade oo uu ka dambeeyey Xaglatoosiye, sidoo kale Xaglatoosiye dabadii waxaa qoriga qaatay Cali Khaliif Galaydh oo dhawr dagaal oo kooban oo uu badankooda ku jabay la galay Somaliland, ugu dambayna iyadoo ay muuqato inuu Cali Khaliif nabadda qaadanayo ayaa lagu dhawaaqay jabhadan uu Faysal Falaalug guddoomiyaha ka yahay.

News Related