Published:

(Salaanmedia.cim)_ Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa la filayaa
in uun labada Gole baarlamaan hor geeyo codsi ay dawlada Imaaradku kaga dalbaneyso in ay saldhig Militery ka sameysato magaalada Berbera kuwaas oo isku jira cirka iyo badda .

tmp_10405-15697618_373978389615508_5623156388386038349_n735531316

Warar uu Geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in madaxtooyada Somaliland qorsheynaso sidii labada gole baarlamaan [Guurtida iyo wakiilada ]fadhi wadajir ah uga yeelan laheyeen dalabka Imaaradka ee ah in ay saldhig Milateri ka sameysato magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.

Labada gole Baarlamaan ayaa la filayaa in ay durduro madaxweyne Siilanyo ugu fasixi doonan inuu saldhigyo Military Imaaradka ugua ogalaado magaalada Berbera hadii uu u gudbiyo.

Wasiirka Duulista iyo Hawda Farxaan Aadan Haybe ayaa dhawaan beeniyey war uu Geeska Africa ka soo xigtay Hay’ad warbaahineed oo fadhigeedu Ingiriiska yahay oo sheegtay in xubno ka tirsan Imaraadka carabtu u xaqiijiyeen inay Somaliland iyo Imaaradku kala saxeexdaan heshiisisafgarad oo ku saabsan saldhigyadan Milatery waxaana uu wasiirku sheegay in dawlada Imaraadku madaxweyne Siilanyo u soo gudbisay codsiga saldhigyadan base aanu wali go,aan ka gaadhin

Source:- Geeska

News Related