Published:

Xildhibaan Maxamed Jaamac Axmed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in heshiiskii Khatumo iyo Somaliland iyo qodobadii ka soo baxay si aan ahayn loo turjumay, dadkuna u qaateen si khaldan.

15726239_1258311507548416_72901595330762259_n

Xildhibaan Maxamed Jaamac Axmed oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale sheegay in horumarkii dalka lagaga mashquulay Doorashada,waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya “Qodobadii ka soo baxay heshiiskii Somaliland iyo khatumo, siyaabo khaldan ayaa loo turjumay, oo dadka qaar wey ku farxeen, dadka qaarna wey ka cadhoodeen, balse xaqiiqadu waxay tahay maaha sida la moodayo, oo dadka qaar ayaa waxay leeyihiin Somaliland wey aqoonsatay maamulka Khatumo, balse sidaas maaha, waxaana dhab ah in markii la waday dib u heshiisinta dadka reer Somaliland, in Dawladdu la shiri jirtay dadkeeda, heshiiskana taasi ayuu la mid yahay, waxa kale oo si khaldan loo fasiray qodobka Ciidamada iyo qaabka loo raray, laakiin qodobkan ujeedadiisu waa madaama Gobolada kale ee dalka aanay joogin Ciidamada inteen leeg, in aanay sii wada joogin, laakiin xaqiiqada jirta ayaa ah in Ciidamadani iyagu laftoodu ay ku kala dhex jirtaan dadka halkaas wada dega, oo ay ka talinayaan nabadooda, kolay waxa qasab noqonaysa haddii ay Goboladan Barrigu ay nabad buuxda oo dhinaca kasta ah helaan in Ciidamadu aanay wada joogaynin, oo intii suurtagal ah laga soo rarayo, iyadoo taas macnaheedu ahayn Ciidamada Somaliland ayaa halkaas ka wada baxay, waxaana ku talinayaa mar walba wanaaga aynu ka wada shaaqeeyno, oo horumarkeena aynu ku dadaalno”.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Axmed ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Abaaro wali wey jiraan, ILLAAHAYNA ha inaga soo jabiyo, Raxmada ILLAAHAY ayaan baa ina wada gaadhi karta, arinta qabsoomida Doorashadana waxa gacanta ku haya Komishanka, inay Doorashadu dib u dhacdana ama inay wakhtigeeda ku dhacdana waxa ka wada tashan doona Komishanka iyo Xisbiyada Qaranka, laakiin horumarkii Somaliland waxa lagaga mashquulay hadal haynta Doorasho, haddii la is dhaafiyana waxa loo jeedsan lahaa horumarkii dalka, sida aan filayana haddii ay dib u dhacdo wax ka badan bil ama laba bilood dib u dhici mayso, haddii kale oo ay wakhtigeedii ku dhacdana kaba wanaagsan”.

News Related