Published:

Sixirka, gaar ahaan noociisa lagu dhacayo hantida dadka iyo meheradaha, ayaa muddooyinkan dambe ku soo batay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

1

Sixirka oo ah Xaaran diinteenuna ay mamnuucday, ayaa Wargeyska Geeska Afrika wuxuu wareysi kala duwan oo ku saabsan Sixirka la yeeshay  dad iyagu meherado haysta oo la sixiray iyo culimada dalka oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn, Guddoomiyaha Wanaag Farista iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Hooyo Waris Maxamed Cabdilaahi oo iyadu Meherad haysta isla markaana la sixiray, lacagna laga qaaday ayaa iyadoo nooga waramaysa qaabka loo sixiray ayaa tidhi “Anigoo Meherada jooga ayaa waxa ii yimid laba nin, oo mid yahay nin dhalinyaro ah, midina uu yahay Oday da’ ah, ninkii dhalinyarada ahaa ayaa igu yidhi afartan dollar aan ku diree kaash ma ii helaysa, haa ayaan ku idhi, lacag kaash ah oo Saddex Boqol oo kuna ayaan u diyaariyey, wuxuu kolba iska dhigaa inuu lacag Mobilka ka dirayo, waxaanu yidhi Mobilkaa iga bakhtiyey, Odaygan oo ah awoowgay oo Hooyaday dhalay, ayaan is lahaa lacag sii, ee Mobilka dabka ii gali, intii aanan ka qaadin Mobilka ayaan ku idhi Odayga ma runtii baa, haa buu yidhi oo inantayda ayaa dhashay, awoow ayaana u ahay, markii aan Mobilka ka qaaday ayaan is bedelay, oo aan si kale noqday, wuxuu markiiba igu yidhi konton iigu soo dar waan ugu daray, Mobilkiina wuu iga qaaday oo dib ayaan ugu dhiibay, lacagtiina wuu iga qaaday, markii uu wax yar iga sii maqnaa ayaan noqday sidii qof hurdo ka soo kacay, waana waayey meel uu maray, balse nasiib wanaag odaygii ayaa Meherada sii joogay, kadibna waxaan ku idhi mee inankii, wuxuu igu yidhi wuu raagay ee waan iska tagaya, waxaan ku idhi sidaad u tagtaa miyaanad awoow u ahayn, oo inantaadu dhalin, may buu yidhi, ee waanu isa soo raacnay, waanu I salaamay, waxaanu igu yidhi lacag baan ku siinaya ee ina mari, Odayga markiiba Saldhiga ayaan geeyey, isna wuu sixray”.

Maxamed Cabdilaahi Jaamac, oo isna Meherad haysta isla markaana lacag iyo raashin Sixir lagaga qaatay ayaa isna wuxuu yidhi “Habeen dhawayd ayaa waxa ii soo galay nin Gaadhi wata, wuxuu ii dhiibay boqol dollar, wuxuu igu yidhi kontona ii sarif, kontona igu sii raashin iyo alaab, kontonkii waan u sarifay, raashinkii iyo alaabtii uu iga iibsadayna anigaba Gaadhiga ugu guray, markii uu in yar iga sii maqnaa ee uu iga tagay ayaan mar qudha boqolkii dollar ee uu ii dhibay isku bedashay warqad, meel aan u raacana waan garan waayey”.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn, oo aanu isna wax ka weydiinay Sixirkan dalka ku soo kordhay, ayaa sheegay in Sixirku yahay dambi weyn, isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto, waxaanu sheegay inaan wacdi iyo waano oo keliya waxba lagaga qaban karayn laakiin loo baahanyahay in talaabo adag laga qaado  “Inta badan waanu ka hadalnaa, arinkana wacdiyo qudha uma baahna ee waa arin wax ka qabasho dawladeed oo dadkii wuu dhacan yahay, oo haddii Booliska, Dawladda iyo Guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu isku tagaan waxbaa laga qaban kara dadkan waxan sameeynaya, taladayduna  waa caynkaas”.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale, oo isna aanu wax ka weydiinay Sixirkan dalka ku soo kordhaya iyo waxay kala socdaan, ayaa yidhi “Nin ku haysta Sarifle Masaajidka Cali Mataan agtiisa ayaa ilaa bil ka hor ilaa lixdan kun oo dolar laga dhacay, iyadoo la indho sarcaaday, dawladduna waxay sheegtay in ilaa saddex nin sawirkoodii la soo saaray oo la doonayo in la qabto, oo waa dad wadanka jooga, indho sarcaadkaas ama sixirkaasi wuu jira ee dadweynaha waxaanu ka lanahay sidii aad noola shaqeeyn jirteen noola shaqeeya, oo sidii aad noogu soo sheegi jirteen noogu soo sheega, anaga ka Guddi ahaana bishan ilaa bishii hore wax saaxir noo soo sheegay ma jiro, Saaxiriina Wadanka wey joogaan qaar la keensaday iyo qaar kaleba, marka waxa wanaagsan in laga feejignaado, oo digriga ILLAAHAY la badiyo, qofkuna haddii uu ILLAAHAY ku xidhan yahay waxani kari mayaan”.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliif Cabdilaahi Axmed oo isna aanu wax ka weydiinay Sixirkan soo kordhaya iyo waxa uga meel yaala  Xukuumad ahaan ayaa yidhi “Sixirku waa xaaran, waana dambi,cidii lagu tuhmo, ee ay ku caadadana dambi baa uga yaal, oo awalba waa tii la xidhi jiray, oo Sixiroolayaal badan baanu xidhnay oo waa la xukumay,  qaarna waanu mustaafurinay, bilawgii dawladeenan,xukunkuna halkii buu wali taagan yahay, dadka waxaan leeyahay cida aad ku tuhuntaan ama aad uga shakidaan nala soo socodsiiya,waxaana iga talo ah cidii lagu arko ama lagu ogaado in la soo sheego, oo aab gacmaha is qabsano, oo Guddidayada Masaajidada joogana in la adeegsado, oo Guryaha iyo meel kasta lagu shito Idaacada Quraanka, maxa yeelay Saaxirku waa daciif, oo ILLAAHAY baa inaga badbaadin kara, oo Shaydaanka iyo Saaxirka dhagartoodu waa daciif.”

 

News Related