Published:

2016 // Warar

Hargeysa (Geeska)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ka digay saldhigyo milatari oo dawladda Imaaraadka Carabta lagu siiyo magaalada Berbera.

1

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in aanay xaq u laheyn xukuumad saddex bilood u hadheen in ay heshiis gasho , waxaanu tilmaamay in la isweydiiyo in saldhigyo milatari dani ugu jirto Somaliland iyo in kale, “Marka Saldhig la bixinaayo wax weyn weeye , wax lagu ciyaaro ma aha inta warqado la iska saxeexo dabadeed waxooga la iska qaato ma aha , saldhigaasi carqalad buu keenayaa , maxaa saldhiga loo rabaa , yaa lagu duulayaa , maxaa dan inoogu jirta , arintaasi waa arin qaran xisbiyada , goleyaasha ayaa la doonayaa in ay ka qeyb galaan oo qaranka oo dhami iskaga yimaado “ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaan Siciid oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi  “Dal aan ku aqoonsaneen oo wax uu ku taraa aanay jirin , waar Imaaradku maxaa uu ina taraa , saldhigaasi waxba kama jiri doonaan , anigu waxaan leeyahay saddex bilood baa xukuumadeey ku hadhey xaq uma lihid in aad heshiis gashid “ayuu yidhi

Wuxuu xildhibaanku xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inuu abaaraha dalka ka jira sabab u yahay “Alle ayaan  ku dharaatee abaarta iyo sadaqada xisbiga Kulmiye ayaa inoogu wacan , waar abaar baa jirta ee meeday sadaqadii ma saddex markab oo carabi halkaas soo dhigto ayaa la waayey , wax ay carabi inoo haysaa ma jirto xaqul qalinkaas mooyaane , qarankani xaqul qalin walaahi in aanu ku jirin doonin.” ayuu yidhi.

 

News Related