Published:

Baanka Somaliland waa laanta u qaabilsan qaranka ilaalinta sarrifka shilinka Somaliland. Waxaa baankan 27 sano ee dalkeenu jiray soo hoggaaminayay rag adag oo aqoon u leh habka lacagtu u shaqayso ee la iskugu dheeli tiro, ilaalinta sarrifka iyo ka hortagga sicir bararka. Waxaynu ognahay in muddadaa dheer uu ahaa shilinka Somaliland mid aan isbeddel badan ku iman oo dalkeenuna ka badbaaday sicir barar. Waxa ayaan darro ah in dhowaan loo magacaabay guddoomiyanimada Baanka nin ka mid ahaa shaqaalaha hoose ee baanka oo mar kaliya uun cirkaa la geeyey oo laga dhigay guddoomiye. Ninkan oo haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn hoggaaminta iyo maaraynta Baanka. Arrintani waxa kale oo ay niyad jab ku ridday madaxdii qaybaha kala duwan ee Baanka ooΒ u arkay arrintan in iyaga iyo cid kasta oo dalkan u soo shaqaynaysay meel lagaga dhacay.Β  Waana musuqii ugu waynaa ee abid dawlad Somaliland samayso. Arrimahan oo kale waxa lagu yaqaannay dawladdii kelidii taliyihii Siyaad Barre oo dad hoose oon aqoon lahayn loo magacaabi jiray mansabyo ayna gayin, oo hab qabiil iyo musuqmaasuq loogu magacaabayay. Arrintana qayb wayn ka qaadatay burburkii Somalia.

Fiiro gaar ah: Ninkan jaahilka ah ee Baanka Somaliland loo magacaabay isku qabiil ma aha madaxwaynaha Somaliland.

Muddadan gaaban ee uu yahay guddoomiyaha wuxuu ku mashquulsanaa sidii uu uga aargoosan lahaa nimanka madaxda qaybaha baanka ah ee uu is leeyahay way ku xaqirayaan ama way kaa aqoon badan yihiin. Halkii uu aqoontooda ka faaidaysan lahaa ee uu la tashan lahaa ayuu ku qaaday dagaal qaawan. Arrintani waxay keentay wada shaqayn la’aan ka dhacday Baanka iyo in lakala aamin baxo.

Waxaynu wada daawannay markii guurtidu waraysanasay siduu u hadlayay iyo jaahilnimada ka muuqata oo uuna fahansanaynba waxan laga hadlayo oo uu sheegi kari waayay wax siyaasad maamuleed ah uu ugu talagalay sidii loola tacaali lahaa dhibtan ummadda la soo deristay. Wuxu ku warramayay wax uu suuqa ka maqmaqlay ee haba yaraatee kamuu hadal wax maamul iyo maarayn ah uu Baanku leeyahay. Wuxuu sheegay in Ethiopia Kililka 5aad ku xidheen jaadlaha inay dollar qaadka ku iibsadaan. Oo jaadluhu waxa dollar magaalada yaal habeenkii ururusadaan iyagoon uu aabbo yeelayn qiimaha lagaga iibinayo. Muu sheegin sidii uu budhacaddan ka ganacsata mukhaadaraadka looga hortegi lahaa. Waxa soo baxaya xogo sheegayaa inuu laftiisu ganacsiga jaadka wax ku leeyahay.

Maanta shir jaraaid oo uu qabtay wasiirka wasiiradu (madaxtooyada) wuxuu sheegay qodobbo lagu gaadhay shir wasiiradu yeesheen. Wuxuu sheegay in Baanka Somaliland soo qorshaynayo sidii loo fulin lahaa qodobadan. Baanka Somaliland waa meesha Jaadlaha madaxda looga dhigay ee maxaynu ka filaynaa? Waxba!!!!!! Runtii maaha qodobbo hirgalaya waayo lacagta ugu muhiimsan ee dalka laga isticmaalaa waa dollarka: wax kastoo la Β iibinayaa wuxuu ku salaysan yahay dollar. Shirkadaha laydhka, telefoonada, Iskuulada, Biyaha iyo bakhaarada raashinku waxay qabtaan oo ay ku xisaabtamaan kaliya waa dollar. Xataa haddaad maqaaxi wax ka cunto waxay keenayaan boonada oo dollar uun ku qoran yahay. Waa in waddanka gudihiisa la joojaa isticmaalka dollarka, ilamana aha in dawladdu awooddaa leedahay. Dalkani wuxuu u baahan yahay is beddel iyo doorasho baarlamaanka iyo madaxtooyada oo dhaca. Dalku wuxuu u baahan yahay dawlad adag oo musuqa ka hortegi karta. oo aqoon iyo maxaad taqaannaa la iskugu dhiibo xilka. Dalku wuxuu u baahan yahay baarlamaan shaqaynaya oo dawladda kantaroolaya oo ka hortgaya magaacibista ninkan oo kale. Haddii kale waxba isbeddeli ihi iman maayo ooΒ dalkeenii khatar ayuu ku sugan yahay.

Wa Billahi Yawfiiq,

A. Amir Bidde Nuur

News Related