Published:

Baaq muhiim ah oo ka yimi bulsha weynta Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham

Wuxuu ku socdaa baaqu:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland
Golaha Guurtida ee Somaliland
Golaha Wakiilada ( Baarlamaanka) ee Somaliland
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid
Guddida Komishanka Qaranka ee doorashooyinka ee Somaliland
Guddida Abaaraha ee heer Qaran
Guddiyada abaaraha ee gobollada
Ururada bulshada ee kala duwan ee Somaliland
Ardayda Somaliland
Baayaca mushtariga iyo tujaarta Somaliland
Culamaa’uddiinka Somaliland
Madax dhaqameedka Somaliland
Abwaanada Somaliland Waayeelka iyo waxgaradka Somaliland Saxaafadda Somaliland
Qurba joogga Somaliland

Baaqa
Anagoo ah xubno muhiim ah oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada labaad ee carriga Ingiriiska ee Birmingham iyo nawaaxigeeda (West Midlands) , ayaa waxaa murugo iyo u qaadan waa nagu noqday abaaraha khatarta ah ee muddoba waddankii ku baahsanaa iyo sida aan weli loo qaadan go’aan ku saabsan gurmad qaran oo degdeg ah ( state of emergency).
Waxaanu aragnaa inaan waxba iskaga xidhnayn gurmadka abaaraha( madaama la isku afgartay in hawshaas lagu dhaqaaqo oo wax walba laga hormariyo) IYO sifada ugu haboon ee sharciga waafaqsan ee doorashada dib loogu dhigi karo. Madaama arintu khatar marayso iyadoo xoolihii bexeen dhimashada dadkuna bilaabatay, jiilaal horraantiina tahay , WAXAANNU aragnaa in wax cudur daar ah oo la adeegsadaa marnba jirin si gurmad loogu dhaqaaqo.
Waxaannu aragnaa oo kale in jiritaankeenu dal ahaan iyo dad ahaanba khatar ku suganyihiin maadaama xoolihii dhaqaalaheennu ku dhisnaa bexeen iyo iyadoo 80% bulshadeenu xoola dhaqato tahay, haddaan gurmad qaran oo degdeg ah la samayn. Waxaa iyana xusuus mudan in aannu wadnaha farta ku haynno anagoo ka shaki qabna in nabadgelyo la’aan iyo xasiloon la’aani dhici karto haddii dadkii xoolihii ka soo hoydaan oo magaalooyinka soo galaan iyadaan waxba loo hayn ama qorshe loo samayn..
Sidaas dusha ku qeexan awgeed waxaannu soo jeedinaynaa baaq ay u salyihiin qodobadan hoos ku qeexan.
1. Waa in xaalad gurmad qaran oo degdeg ah ( state of emergency ) lagu dhawaaqaa
2. Iyadoo lagu duulayo gurmadkaas degdegga ah waa in ciidamada qaranku iyo ciidamada booliisku iyo kuwa badduba ka qaybgalaan gurmadkaas siiba biya dhaaminta iyo guritaanka dadka iyo xoolaha inta hadhay.
3. Waa in bulshada reer Somaliland oo dhan heegan laga dhigaa oo gurmadka laga qayb galaa qolqoljoog iyo qurbajoog, arday iyo baayacmushtari , ururada bulshada iyo saxaafadda.
4. Waa in dib loo dhigaa xafladaha oo dhan oo ay ka midyihiin kuwa siyaasadda ku sal leh iyo kuwa qalinjebinta la xidhiidha.
5. Waa in qaadka laga soomaa dhawr cisho, si adduunku u dareemo bulshada Somaliland sida ay uga murugaysantahay xaaladda abaarta, go’aansatayna inay u gurmadaan dadkooda. Waxayna soo celinaysaa arrintaasu dhaqankii lagu yaqaannay bulshada Somaliland ee ahaa is gargaar iyo is kaalmayn
6. Waa in wafdiyo culculus oo ay ku jiraan aqoonyahanada Somaliland ee gudahah iyo debedda jooga loo dira waddamada Somaliland daneeya. Gebi ahaanba waa in gamcaha la is qabsadaa dawlad iyo shacabba , lagana gudbaa wixii xiliftan siyaasadeed ah.
7. Waa in la isku dayaa in la badbaadiyo xoolaha inta hadhay oo bal iyo calaf (forages) loo doonaa.
8. Waa in dadka iyo duunyada inta hadhay goobo degaan ( geographical locations) ku salaysan loo sameeyaa oo laga daayaa in jidka loogu qaybiyo wax maalin la quuto , tira koob rasmi ahna la sameeeyaa sida abaartu dadka u saamaysay oo dadka goobahooda lagaga war hayaa.
Gebagabadii, waxaa xusuus mudan in abaaraha inagu baahay horena looga sii digey oo la saadaaliyey in Geeska Afrika abaaro khatar ah ku soo fool leeyihiin cimilada loo yaqaan’ El NiΓ±o Phenomena’ awgeed. Cimilidaas oo dhacda 7 dii ilaa 10 kii sano mar. Waxayna sababtaa abaaro daba dheeraada , adduunka meela kalena waxay ku keentaa duufaanno is daba jooga. KHATARTA ay cimiladaasu keeni karto waxaa ka mid ah gugii oo la waayo Illaahay kama dhigee. Cimiladasu waxay saamaysay Afrika oo dhan inkasta oo dawladaha qarkood ka gaashaanteen sida dawladda aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo kale.
Waxay bulshada Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham iyadoo looga bartay isku duubnaan iyo muwaadinimo diyaar u tahay ka qayb galka gurmadka abaarahaha iyadoo hore uga qayb qaadatay qaadhaanka abaaraha.
Waxaa baaqa soo gudbiyey:
1. Cumar Cabdillahi- Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee West Midlands
2. Maxamuud Xirsi Duudu- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee West Midlands
3. Cawil Muuse Aadan- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee West Midlands
4. Mustafe Haaruun- Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee West Midlands.
5. Faarax Maxamed Xirsi- Xubin ka mid ah haldoorka iyo guurtida Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham
6. Sheekh Maxamed Haybe- Xubin ka mid ah culimada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham
7. Kayse Cabdillahi Cawed- Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Waddani ee West Midlands
8. Saciid Maxamed Ibrahim ( Saciid Physics)- Xubin ka mid ah haldoorka iyo guurtida Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham
9. Mukhtaar Xassan Biixi- Madaxa Hay’adda Samafalka ee β€˜ African Relief’
10.Suldaan Cabdiqaadir Maxamed Warsame (Jirde)- Xubin ka mid ah haldoorka iyo guurtida Somaliland eek u dhaqan Magaalada Birmingham
11. Xuseen Baane- Suldaanka dhalinyarada ee Somaliland
12. Maxamuud Xaaji Xassan Geelle- Xubin ka mid ah haldoorka iyo guurtida Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham
13. Dr Khadar Cilmi Barreh- Education specialist and consultant
14. Cabdirashiid Maxamuud Axmed ( Dhegcas)- Marketing Manager
15. Cabdikhaliq Maxamed Sheekh Cismaan Nuur- Xubin ka mid haldoorka iyo guurtida Somaliland eek u dhaqan Magaalada Birmingham .
16. Cabdi Jaaquur- Siyaasi ka tirsan Xisbiga Kulmiye kana mid ah hal doorka Somaliland ee ku dhaqan Birmingham.
17. Dahir Ismaaciil Xaaji Aadan ( Dahir Weriye )- Weriye caan ah.
18. Cabdiraxman Aadan Cali- Information Security Engineer (IT)
19. Cabdiqaadir Xaaji Ibraahim- Telecommunication Engineer
20. Salaad Jaamac Diiriye( Salaad Baraar) – Xubin ka mid ah haldoorka iyo guurtida Somaliland ee ku dhaqan 20. Caaqil Cabdillaahi Jaamac Ducaale (Xinne)- Xubin ka mid ah hadloorka iyo guurtida Somaliland eek u dhaqan Magaalada Birmingham
21. Maxamed Axmed Cisman – Electronic engineer
22. Cabdalle Ogoslabe – Lab specialist, NHS (UK)
23. Yuusuf Cali Xaaji Xassan- Radiologist, NHS (UK)
24. Dr Cabdirashid Bulaale – Medical Doctor , NHS (UK)
25. Cabdirizaq Meecaad – Politician, Labour Party (UK)
26. Maxamuud Maxamed Cabdulle ( Lawyo) – Community advisor and consultant
27. Cali Timirdoon – Environment specialist
28. Mursal Axmed Suufi- Qualified Teacher
29. Aadan Saalax Sugulle- Aeronautical (diyaaradaha) Engineer
30. Muuse Cabdi (Baabuur)ur- Xubin ka mid ah hadloorka iyo guurtida Somalialnd ee ku dhaqan Magaalada Birmingham
31. Aniis Cabdillaahi Xirsi- Network Engineer (IT)
32. Cabdi Cilmi Barreh- Network Engineer (IT)
33. Maxamuud Cabdi Nuur (Kijaandhe)- Xubin ka mid ah hadloorka iyo guurtida Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham
34. Maxamed Faarax Ismaaciil (Jiciir) – Housing Officer (Birmingham City Council)
35. Cawil Cali Cawaale- xubin ka mid ah haldoorka iyo guurtida Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham
36. Ahmed Haybe Qaalib (Jagac) – Xubin aad uf firfircoon oo ka mid ah haldoorka dhalinyarada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham
37. Faarax Maxamed Dahir ( Faarax Cirro)- Xubin ka mid ah haldoorka iyo guurtida Somaliland eek u dhaqan Magaalada Birmingham
38. Maxamed ismaaccil Cali- Businessman
39. Cali Cabdi Axmed (Boqorre)- Qualified teacher
40. Yusuf Maxamed Ali (Deeq)- Qualified teacher
41. Tayseer Maxamuud Askar – Electronic Engineer
42. Aadan Cabdi Xassan (Dawaarre)- Qualified teacher
43. Aadan Cismaan Nuur ( Aadan Fooje)- Xubin firfircoon oo ka mid ah haldoorka dhalinyarada Somaliland eek u dhaqan Magaalada Birmingham
44. Maxamed Xuseen Geelle – Xubin firfircoon oo ka mid ah hadloorka dhalinyarada Somaliland eek u dhaqan Magaalada Birmingham
45. Axmed Sulaeyman maxamed (Jiciir)- Xubin firfircoon oo ka mid ah haldoorka dhalinyarada Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham
46. Bashiir Cabdi Wadaad- professional in financial sector
47. Maxamuud Ismaaciil Barreh- Community Development Manager and Consultant
48. Deeq Maxamed Guuleed- Xubin firfricoon ii ka mid ah haldoorka dhalinyarada Somaliland ee ku dhaqan Birmingham
49. Cumar Maxamed Ibraahim- Xubin firfircoon oo ka mid ah haldoorka dhalinyarada reer Somaliland eek u dhaqan Birmingham
50. Yuusuf Xassan Diiriye- Xubin firfircoon oo ka mid ah haldoorka dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Birmingham
51. Ahmed Xirsi Guuleed – Xubin ka mid ah haldoorka dhalinyarada Somaliland eek u dhaqan Magaalada Birmingham
52.Maxamed Xassan Dheere (Ceergaabo)- Xubin ka mid ah haldoorka dhalinyarada Somaliland eek u dhaqan Magaalada Birmingham
Waxaan caddayneynnaa inaan bulshada reer Somaliland eek u dhaqan gobolka Birmingham halkan ku wada dhammayn oo halkan ay ka maqanyihiin aqoonyahanno badan, haween iyo dhalinyaro laakiin iyadoo aan halkan lagu soo wada qori karayn , waxaa laga haystaa kalsooni buuxda oo ku saabsan baaqan.
Wabillaahi tawfiiq
Bulshada Reer Somalilnd eek u dhaqan magaalada Birmingham iyo nawaaxigeeda.

News Related