Published:

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfurtay in ilmaha yar oo afka laga dhunkado sida marar badan dhacdaa ay sabab u noqon karto in ilmahaasi xanuunno badan qaado, maadaama oo weli hab-dhiska difaaciisu taag-daran yahay. Dhunkashada afka ilmaha yar oo ay waalidka iyo dad ka kalaba u isticmaalaan keliya si ay ilmaha kalgacal iyo xannaanayn ugu muujiyaan ayaa ay dhakhaatiirta caafimaadku sheegayaan in ay xanuun qofka weyni qabo si sahal ah ugu gudbin karaan ilmaha gaar ahaan inta uu ku jiro saddexda bilood ee cimrigiisa ugu horreeya.

Xanuunnada siga gaarka ah ilmuhu uga qaado dhunkashada afkana waxa ugu sahlan hargabka oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in ilmaha marka ay tahay aan la dhayalsan hargabka oo uu noloshiisa khatar gelin karo. Maadaama oo uu xummad keeno xumadda badanina ay khatar ku tahay caafimaadka ilmaha, oo illaa heer dhimasho ay keeni karto. Waxa kale oo ka midah qanjo xanuunka, xoqadaha, jadeecada, hablo-baasta, beer xanuunka gaar ahaan / Jooniska iyo xanuunno la mid ah oo fayraska dhaliyaa inta uu dibnaha qofka qaba maro gaadhayo dibnaha iyo dhareerka ilmaha yar.

News Related