Published:

 

  • Haddaad maqli jirtay odhaah caan baxday oo ahayd “Duul culimo qastay” maanta
    waxa si wayn u beddeshay “Duul caamo qastay”.
    Hore iyo haddeer ba soomaalidu dadka diinta aqoonta ican u leh ee wax laga
    waydiiyo arrimaha Islaamka waxa ay u taqaannay una taqaannaa culimo.
    Halka cidda aan aqoonta diintu u bilownaynna ay u yaqaannaan caammo.
    Waa eray bixin tolmoon oo toosan haddii xuduuddeeda laysla aqoonsan karo.
    Qof kasta oo aan diinta aqoon u llahayni marka miqyaaskaas lagu milaadiyo waa
    caammo aan diinta waxba laga waydiin karin, inuu ka hadlaana ay ka dhigan tahay
    qof garashadiisa gummaynaya maadaama oo uu ka hadlayo wax aan garashadiisa
    iyo aqoon%isa ahayn.
    Xataa hadduu aqoon kale si qoto dheer u yaqaanno, shahaadooyin sare ku haysto,
    ha ahaatee aanu diinta aqoon ku lan u lahayn waa shakhsi ku isman
    caammonimo marka baabka diinta la taagan yahay.
    Odhaahda duul culimo qastay, waxa ay ahayd %raab ka soo yeedhay shakhsi
    caammo ah, oo fahmi kari waayey masalooyin ka sarreeyey garashadiisa, ka dibna
    ku wareeray, isla markaasna sameeyey fal uu garashadiisa caammonimo keenay,
    jeerkii la warsaday waxa sidan ku kelifayna ku jawaabay “waxaannu nahay duul
    culimo qastay”
    Maanta caammo badan ayaa qalinka qaadatay, waa qalinlay takhasusaad kale
    bartay, ha ahaatee masalooyinka diineed ee ay ka hadlayaan marka loo eego
    heerka aqooneed ee dhab ahaan ay leeyihiin waa mid aanay ku kasban karin
    summadda culimanimo oo keligood si cilmi iyo garasho ku dhisan u dhiraandhirin
    kara arrimahaas.
    Xaalladdaas ay qalinlaydu booskii culimada is joojisay, iyagoo dhab ahaan marka
    halbeegga aynu kor ku soo xusnay lagu halbeegiyo caammo ku isman, waxa ay
    keentay qas iyo faham gunnimo ah oo ku baahaya bulshada dhexdeeda, kaasoo

 

dabarka ka jaraya qof kastaa inuu wax uu doono sheego fatwoodo, sida uu doono
u qoro, isla jeerkaasna khalkhal iyo wareer dhinaca fahamka diineed iyo caqiidada
ah ku dhex abuuro bulshada.
Waa ilbaxnimo iyo xilkasnimo dheeraad ah inay bulshadu garato kala xadeynta
aqoonta, taasoo macnaheedu yahay in la %xgeliyo takhasusaadka kala duwan, cid
walbana waxa ay aqoonta u leedahay lagu ix%raamo lagana qaato, isla jeerkaasna

waxa ay indhaha ka ridayaan laga qabto oo lagula xisaabtamo.
Dr. Cabdiqani Xuseen Muxamed (Beder).
Tubtatoosan02@gmail.com.
h1ps://www.facebook.com/abdulqanibedercenter

News Related