Published:

Geeska Afrika ayaa isku Rogaya Garoon ay Quwado Shisheeye kubbad ku Cayaaraan, Iyada oo Madaxda Somaliland,  Jabuuti iyo Somaliya ay Dhaafsanayaan Dhaqaale

Ujeedada ugu weyn ee Masar ee saldhiggan ayaa la rumeysan yahay inay tahay in ay hesho marin u saamixi kara inay hakiso biyo-xireenka Nile 

MADAXFHargeysa (GNO)  Dowladda Masar ayaa wadda dadaallo ay dooneyso inay saldhig milatari uga sameysato Soomaaliya, Jabuuti iyo Somaliland sida ilo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Wargeyska Waaheen.

Hogaamiyayaasha Masar ayaa tan iyo Bishii December ee sannadkii hore  waday dadaallo xoogan oo ay kaga Codsanayaan mas’uuliyiinta Somaliya, Somaliland iyo Jabuuti in la siiyo dhul ballaaran oo ay saldhigyo ganacsi iyo mid milatari ka furtaan, hase yeeshee dadaalladan ayaa la sheegay in weli yihiin kuwa guul darreysanaya.

Xukumada  Somaliland ayaa diiday dalabka Masar, ayaga oo ku dooday inay tahay tallaabo ka dhan ah Ethiopia iyo mid fulineysa kaliya danta gaarka ah ee Masar.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Masar siiyey jawaab la mid ah tan Somaliland, inkasta oo la rumeysan yahay in dhaqaale xooggan oo ka yimid Imaaraadka iyo Saudi Arabia ay sidoo kale saameyn xooggan ku yeelatay.

Jabuuti ayaan bixin wax sabab ah oo ay ku diiday dalabka Masar, sida ay sheegeen ilo diblomasiyeedyada la hadlay Wargeyska Waaheen.

Ujeedada ugu weyn ee Masar ee saldhiggan ayaa la rumeysan yahay inay tahay in ay hesho marin u saamixi kara inay hakiso biyo-xireenka muranka badan dhaliyey ee Ethiopia ay ka sameyneyso webiga Nile.

Inkasta oo heshiis horudhac ah laga gaadhay arrintan iminka, haddana Masar ayaan weli ka tanaasulin saldhigga ayada oo ka cabsi qabta in heshiiska Ethiopia yahay mid aan la isku haleyn karin.

Waxaa jira tuhunno la xidhiidh in Masar ay taageero siineyso Eritrea iyo Al-Shabaab, si ay dagaalka ugu sii dheereyso Ethiopia, sidaa darteedna ay Ethiopia uga wiiqdo siyaasadda arrimaha gudaha.

Dalabka Masar ayaa imanaya xilli Imaaraadka iyo Turkiga ay heshiisyo saldhig la galeen Somaliland iyo  Soomaaliya, halka Sacuudiga ay heshiis noocan ah la galeen Jabuuti.

Geeska Afrika ayaa isku rogaya garoon ay quwado shisheeye kubbad ku cayaaraan, ayada oo madaxda Soomaalida, Jabuuti iyo Somaliland ay dhaafsanayaan dhaqaale.

News Related