Published:

Fadi Qunbar oo 28 jir ah ayaa shalay weerar uu u adeegsaday gaari nuuca xamuulka qaado waxa uu ka fuliyay magaalada Qudus ee dhulka xooga looga heesto Dadka Reer Falastiin.

Ninkan ayaa gaariga nuuca Xamuulka qaada ah waxa uu ku weeraray askar Yahuud ah oo taagneed degmada Armon Hanatziv ee magaalada Qudus, waxaana weerarkaasi ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi gaariga loo adeegsaday waxaa ku dhintay 4-askar oo sadex kamid ah ay haween ahaayeen, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay 17-qof oo kale kuwaa oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Ciidamada Yahuuda ayaa markii dambe toogtay Ninka Falastiiniga ah ee gaariga ku dilay Askarta Yahuuda, waxa ay sidoo kale ciidamada ay xireen xaafada uu magaalada Qudus ka degnaa ninka weerarka geestay.

Ra’iisalwasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ninkii weerarka ka gaystay magaalada Qudus uu taageersanaa kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka ee Daacish.

Saraakiisha Amaanka maamulka Yahuuda Israa’il ayaa kulan deg deg ah ay weerarkan ka yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen in la xir xiri karo dadka ay ku tuhmaan in ay xariir la leeyihiin Kooxda Daacish iyada oon wax maxkamad ah la geyn.

Dhalinyarada Falastiin ayaa mararka qaarkood geesta weeraro ay uga aargudanayaan Yahuuda dhulkooda xooga ku heesato, waxa ayna Ciidamada Yahuuda mar walbo dhibaato ku hayaan Shacabka Reer Falastiin.



News Related