Published:

Xukuumada Somaliland ayaa ugu baaqday madaxda Midowga Afrika inaan aqoonsi la siiyo aanu wiiqi doonin dawladnimmada Soomaaliya marna.

1

Fariinta Somaliland u jeedisay Midowga Afrika oo lagu soo beegay shirweynahii 28aad ee Ururka Midowga Afrika oo shalay ka furmaya xarunta caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in madaxbanaanida Somaliland taageeri doonto sidii Soomaaliya dib cagaheeda isku taagi lahayd, si ay uga badbaado halista argagxisada.

Safiir-xigeenka Safaarada Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya Amb, Ayaanle Salaad oo soo gaadhsiiyey fariintan xukuumadu u dirayso kulanka Madaxda Afrika ee maanta weriye Maxamuud Walaaleeye ayaa u dhiganyd sidan:

“Xaqa Somaliland u leedahay madaxbanaanideeda ma wiiqi doono dawladnimada Soomaaliya marna. hadii Itoobiya & Eriteria, Sudan iyo Koonfurta Sudan kala go’een, maxaa u diidaya Somaliland iyo Soomaaliya?.

Mr. Ayaanle Salaad ayaa hoosta ka xariiqay in madaxbanaani Somaliland hesho abuuri doono jaarnimo wanaagsan oo dhexmarta, waxaanu yidhi,

“Xaqiiqda, madaxbanaani Somaliland hesho waxuu sahli doonaa inay wadammo jaarnimo iyo nabadgelyo dhexmarto noqdaan.

“Somaliland waxay kaalin muuqata ka qaadan doontaa  sidii Soomaaliya dib cagaheeda isugu taagi lahayd, si ay uga badbaado halista sii kordhaysa ee argagaxisada.

Shirweynaha 28aad ee ururka Midowga Afrika ayaa lagu dooran doona gudoomiyaha ururka oo ku tartamayaan shan musharax oo ka soo kala jeeda wadamadda Kenya, Chad, Senegal, Botswana iyo Guine.

News Related