Published:

Hargeysa(GNO):-Qoorweynta beesha Isaxaaq Carre ee degta bariga magaalada Hargeysa, ayaa si adag uga jawaabtay hadalo naxli iyo cunfi iskugu jira oo Suldaan Habaar ku weeraray Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxaana ay sheegeen in guddoomiye Cirro ay xaal ka siinayaan hadalkaas qadafka ah ee ka soo yeedhay Suldaan Habaar iyaga oo si adag carabka ugu dhuftay in aanay ka beel ahaan kula soconin isla mar ahaantaana aanay raali kaga la ahayn hadaladaas aflagaadada ah ee uu ku kacay Suldaan Habaar.

Qaar ka mid ah Odeyada, wax-garadka, culimaa-uddiinka, aqoonyahanka iyo dhallinyarta ka soo jeeda bariga Burco, ayaa sidan ku sheegay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen hotel Shiraaqle ee magaalada Hargeysa, waxaana ay si cadho leh u muujiyeen sida ay uga xun yihiin aflagaadadaas laga la kacay guddoomiye Cirro, waxaana ka mid ahaa raggii halkaas ka hadlay Sheekh Jaamac Rooble Cismaan(Qaare), Daahir Muxumed Ismaaciil(Gaba-jiidh), Jaamac Xaaji Cabdi Aw-Xuseen iyo Jaamac Farda-wade, kuwaasi oo dhammaantood ba ku dheeraaday in ay guddoomiye Cirro xaal ka siinayaan hadalkaas ka soo yeedhay Suldaan Habaar,

Sheekh Jaamac Rooble Cismaan(Qaare) oo isagu ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn muujiyey sida uu uga xun yahay in qof mas’uul qaran ah la aflagaadeeyo, waxaana uu tilmaamo badan ka bixiyey in Suldaan Habaar oo ay isku beel ka soo jeedaan aanu ahayn Suldaan sax ah balse uu yahay Suldaan madhan oo aan aragti iyo garaad toona lahayn.

“Qofka mas’uulka ah ee amba Madaxweyne ah, ama ba guddoomiye Baarlamaan ah ama dee mas’uul qaran ah marka la la hadlaayo ixtiraamkiisu wuu ka sii xad jiraa marka la la hadlaayo iyo marka la qiimeynaayo, marka uu kula joogo iyo marka uu kaa maqan yahay ba. Suldaan Habaar, waxa uu caadeystay in dadka Islaamka ah ee ehelka ah in isaga oon waxba ahayn oo madhan oon anigu weli ba u aqaano suldaanka madhan oo waayo oo ah suldaanka waxa lagu yaqaanaa in uu dadka ururiyo oo dadka isku keeno oo marka aad aragta ba hareerihiisa la yaacayo, in marka aad aragta ba gaadhigiisu buuxo , in marka aad aragta ba gurigiisu buuxo se nin marka aad aragtaba keligii uun rooraya siddii bahal xoolo laga reebay anigu qof sidaas ah isaga mooyaane maan weli arag qof kale.”.Ayuu yidhi Sheekh Jaamac Rooble

Sheekh Jaamac Rooble oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa Suldaan Habaar ku canaantay hadalada qadafka ah ee uu ku weeraray guddoomiye Cirro, waxaana uu halkaas kaga dhawaaqay in uu guddoomiye Cirro uu xaal ka siinayo hadalkaas ka soo yeedhay Suldaankiisa.

“Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa aanu halkan ka siineynaa xaal oo haddii ay sheekh tahay sheekh baan ahay, hadaan caqligii beesha uu Saleebaan ka soo jeedo caqligii la bidaayey ay tahay oo meel ka dambeysa oo ka daba hadashaa ayna jirteen oo in aanu hadalno maanan jeclayn oo waxa nagu kaliftay mas’uul qaran oo aan anagu u haysano Madaxweynahii Mustaqbalka dhow ee umaddan Somaliland marka maalin walba daanyeer yar oo ciyayaa ka daba qeyliyo ee uu ka daba caytamo kalifaadeeda ayaa warbaahinta na horkeentay. Kitaabkeena la inagu soo dejiyey wuxu kala lee yahay ‘Qiila iyo Qultu’,  markaa haddii Saleebaan aamusi waayey waxa aanu halkan kaga hadlaynaa waa ‘Qultu’ dii oo umadda reer Somaliland bari iyo galbeed iyo weli ba umadda dhexda oo dhan waxa aanu hadalkaas Suldaan Habaar ka soo yeedhay aanu xaal ka siinaynaa Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro). Waxaana uu Cirro Libaaxa ku noqday taageerada iyo sharafta uu ka haysto umadda reer Somaliland oo dhan bari ilaa galbeed.”.

Odey Daahir Muxumed Ismaaciil(Gaba-jiidh), oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in aflagaadaddii uu Suldaan Habaar u geystay guddoomiye Cirro, waxaana uu sheegay in isaga iyo guud ahaan ba beesha Isaxaaq ay arrinkaas ka soo yeedhay Suldaan Habaar xaal ka siinayso Cirro, isaga oo dhaar ku maray in ubadka uu dhalay Suldaan Habaar ay u codeyn doonaan Xisbiga WADDANI.

“Haddii aanu beesha bariga Hargeysa nahay, waxa aanu xaal marin u gudbinaynaa guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo dad aan isaga u qalmini ay warbaahinta ka aflagaadeeyeen. Ninka la yidhaahdo Habaar, waxa uu warbaahinta ka yidhi beesha Isxaaq la yidhaahdo anigaa u taliya, markaa anigu isaga laftiisa Suldaanka sheegayana ayaan la talinayaa oo waxa aan lee yahay orod oo inta aad Muuse Biixi aad la faqdo intaas u sheeg oo kaga ag-qadhaabo anagu waanu ku ognahay oo marka Doorashada la gaadhana Habaaroow, kuwa gurigaaga jooga ee aad isleedahay mas’uul baad ka tahay ayeynu iskugu imanaynaa oo WADDANI u codeynaaya, markaa maalintaa hadaad i dhaafiso oo aad Muuse Biixi iyo KULMIYE aad u geyso geesi geesi dhalay baad tahay oo nin baan kuu aqaanaa.”.Ayuu yidhi Daahir Muxumed Ismaaciil(Gaba-jiidh),

Jaamac Xaaji Cabdi Aw-Xuseen iyo Jaamac Farda-wade oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda waxa ay raali-gelin iyo xaal ba ka bixiyeen hadalka qadafka ah ee ka soo yeedhay Suldaan Habaar iyaga oo carabka ku dhuftay in arrinkaas uu kali ku ahaa isla mar ahaantaana aanay ka beel ahaan kula soconin.

“Hadaanu nahay beesha Isxaaq Carre, waxa aanu halkan xaal ka siineynaa cid kasta oo ay khuseyso hadalkaa ka soo yeedhay Habaar, gaar ahaan Madaxweynaha Mustaqbalka Cabdiraxmaan Cirro oo uu ku yidhi hadalo aan u qalmi oo cunfi ah, waxaana aanu lee nahay walaaleyaal hadalkaasi meel ka dhacweyn buu ahaa  haday Xisbi tahay iyo haddii ay Somaliland tahay ba, cid kula laba ah oo isa soo taageysaana ma jirto oo ninkaa raacsan  waayo maalintii dhaweyd ee aanu ka erinay gurigii uu lahaa ninkii Ciidagale maydaan arag cid raacda , markaa walaaleyaal raali ka ahaad lama qabno oo waa Habaarkaas naga fidmoobay e’.”.Ayuu yidhi Jaamac Xaaji Cabdi Aw-Xuseen

Jaamac Xaaji Cabdi Aw-Xuseen oo ugu dambeyn hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Muuse Biixi na hal baanu lee nahay, waxa aad ogaataa oo aan anagu balan kuugu qaadi doonaa oo dhaboobi doonta, dhawaana aad jawaabteeda arki doontaa hadalkaa uu lee yahay kaa kula taagani(Suldaan Habaar) ee aad maalin dhaweytana tidhi waar yaan la caayin Xisbiga ee uu hortaada ka caayey, marka waxa aad Muusow arki doontaa iyada ood beeshan Isxaaq Carre aad xattaa inan yar ka waayi doontid, balan baana aanu kuugu qaadeynaa, dhawaan baana aad jawaabteed la kulmi doontaa.”.

Geesta kale, Suldaan Cunaaye oo isna shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Burco, ayaa waxa uu si adag uu uga xumaaday hadalkaas ka soo yeedhay Suldaan Habaar, waxaana uu soo bandhigay dhacdo cajiib ahayd oo uu sameeyey wakhtigii uu Dhul-jiifka ahaa dagaaladdii Sokeeye.

“Anigu waxa aan kuu qirayaa in aad dagaalkii Sokeeye aad ku dhaawactay, sababta oo ah wixii aad ku dhaawacantayna waa la yaqaanaa oo waxa aad ku dhaawacantay fure-gaadhi oo adiga oo dhul-jiif ah oo nin reer Somaliland ah doonaya in aad gaadhigiisii aad ka qaado, ayuu fure kuu tuuray, deed na markii aad is tidhi qaado ayuu laba xabaddood dhabarka kaaga dhuftay oo waa lagu yaqaanaa, imika na waxa aan kuu sheegayaa in laba boqol oo dollar uun inta laguu tuuro aad ku dhimanayso.”.Ayuu yidhi Suldaan Cunaaye

 

 

 

 

News Related