Published:

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa ka hadlay aragtida Saddexda Xisbi ee Doorashada, oo ilaa hadda ku kala qaybsan, waxaanu tilmaamay inuu ku rajo weyn yahay in la is fahmo, oo go’aan mideysan ka yeeshaan Doorashada iyo wakhtiga ay ku dhacayso.

1

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in abaaro baahsani dalka ka jiraan, Xukuumadduna aad uga qayb qaadatay gurmadka dadka ay abaaruhu hayaan, walina ay ku hawlan tahay, waxaanu yidhi ugu horeynβ€œInay Abaari jirto in lagu qaybsan yahay u maleeyn maayo, anaguna waanu arkaynaa oo xil baa naga saaran, oo umadda xilkeedii baanu haynaa,Β  wixii laga qaban karaayey iyo hawlgalkeedana Xukuumaddu wey ka shaqeeysay,walina wey ku hawlan tahay, umadduna wey og tahay inay abaari wali jirto, balse qofka yidhaahda abaari ma jirto umaddeena kama mid aha”.

Cabdilaahi Geeljire mar aanu wax ka weydiinay Doorashadu inay suurtagal tahay inay ku dhacdo wakhtigeeda madaama ay abaaro jiraan iyo kala duwaanasha mawqifka Xisbiyada ayaa yidhi β€œDoorashadu haddii ay timaado oo ay tahay su’aasho Doorashadu wakhtigeedii ma ku dhacaysa laba ayeynu u kala qaadayna, oo marka hore wakhti baynu qabsanay, inay Doorashadu ku dhacdo oo Xukuumadda ayaa la yidhi fuliya, oo xitaa Caalamkii wax bixin jiray wey inagaga baxeen, oo Xukuumadda ayaa qaaday masuuliyadda, waxaana filayaa in wax walba la fuliyey. Markaas mar haddii ay Xukuumaddu tidhaahdo wax walba waa naga diyaar, oo mawqifkeedii masuuliyadeed caydayso, waa wax meesha ku jira, waana taas ay imika cadaysay, ee ay leedahay reer Somaliland wakhtigii aad noo dirateen waa noo diyaar, laakiin haddii Qaranku ka tashado, oo yidhaahdo waa run waanadΒ  mahadsan tihiin,laakiin abaar baa taale aynu ka wada hadalno, ta maanta la taagan yahayna waa taas, taana dadkii gacanta inoogu hayey wey inoogu hayaan, weyna ka wada hadlayaan, sidii aynu uga bixi jirnay,weynu uga baxayna, is af garad baynu ku dhamaysana waxeena, Doorashaduna waa waxyaabaha u baahan ka qayb gal, wax cid kaliyi iska wadato Doorashadu maaha, waa wax aynu ka wada qayb galno, waa dariiqo siyaasadeed, is afgarad baynu insha allaah inoogu dhammaan doontaa.”

News Related