Published:

Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-01-2017, Guddida heer Qaran ee la
Dagaallanka Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo Sicir-bararka waxay kulan
muhiim ah la yeesheen *Shirkadaha ka Ganacsada Jaadka* (Qaadka). Kulankaasi
oo ka dhacay Xarunta Baanka Dhexe ee JSL waxa lagaga wada hadlay sidii ay*
Ganacsatada Jaadku *si dhab ah* ugu hoggaasami lahaayeen isla markaana ugu
hirgelin lahaayeen* *Digreetadii uu Madaxweynaha JSL 24.01.2017-kii* ka soo
saaray *la dagaallanka Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo Sicir-bararka**
dalka ka jira*.

Dood iyo falanqayn dheer oo ay labada dhinac ka yeesheen *heerka iyo
qiimaha rasmiga ah ee lagu sarrifayo Shilinka Somaliland* marka loo eego US
Dollarka ka dib, Guddida iyo Shirkadaha Jaadku waxay kala sexeexdeen
*heshiis-is-fahan
ah* oo ka kooban saddex qodob:

*1.   **In Ganacsatada Jaadku ay gacanta hore ku sarrifaan SLSH 6,800/=*

*2.   **In Ganacsatada Jaadku ay gacanta dambe ku sarrifaan SLSH 7,000/=*

*3.   **In la xoojiyo wada shaqaynta Dawladda iyo Ganacstada Jaadka.*

Ganacsatada Jaadka ee sexeexay heshiiskan is-fahanka-ah waxaa ka mid
ahaa *Shirkadaha
571, Faraska, Gaafane iyo Boondaro*.

Sidoo kale, Guddida la Dagaallanka Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo
Sicir-bararka -(oo iyagu u xil saaran hirgelinta, daba-galka iyo
kor-joogidda qorshaha lagu xakamaynayo Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo
Sicir-bararka)- waxay kulan kaa la mid ah la yeesheen *Guddida
Sarriflayaasha*. Kulankaasi waxa lagu gorfeeyey *heerka iyo qiimaha rasmiga
ah ee lagu sarrifayo Shilinka Somaliland*. Guddida Sarriflayaashu waxay
ballan qaadeen inay si rasmi ah ugu hoggaansami doonaan *Digreetadii uu
Madaxweynaha JSL 24.01.2017-kii* soo saaray, isla markaana ay lacagta ku
sarrifi doonaan gacanta hore SLSH 6,800/=; gacanta dambena SLSH 7,000/=

Isla kulankaa ka dhacay Xarunta Baanka Dhexe ee JSL, Guddidu waxay
magacowday *Saddex Khabiir (farsamo-yaqaan)* oo ka soo talo bixin doona
xilliga ama waqtiga ugu dhaw ee wixii ka yar $100 lagaga saari doono
systemka Adeegyada Zaad-ka iyo E-Dahabka. Qodobka 6-aad ee Digreetadii uu
Madaxweynuhu soo saaray waxa si cad ugu qeexan: “*In Shirkadaha Telesom iyo
Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Dollar-ka
ee lagu shubayo telefoonnada gacanta wixii ka yar $100 (Two Digits), kana
saaran nidaamkooda Dollar-ka.*”

Dhinaca kale, Shirkadaha Telesom Group iyo Dahabshiil Group ee leh
adeegyada Zaad-ka iyo E-Dahab-ka waxay caddeeyeen in ay fulinayaan
Digreetadii uu Madaxweynuhu soo saaray, balse waqtiga la siiyey uu aad ugu
yaryahay farsamo ahaan, sidaa darteedna ay u baahan yihiin in waqtiga loo
kordhiyo. Haddaba, si arrintaa loo xalliyo waxaa la isla qaatay in ay
Dawladdu soo magacowdo guddi *farsamo-yaqaano ah* oo ka soo talo bixiya
xilliga ugu haboon ee hawshaa lagu hirgelin karo.

*ALLAA MAHAD LEH,*

*Guddida la dagaallanka Sicir-bararka iyo Qiima-dhaca Shilinka Somaliland.*

*1.   **Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha,*

*2.   **Wasiirka Wasaaradda Maaliyada,*

*3.   **Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada,*

*4.   **Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga,*

*5.   **Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL,*

*6.   **Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.*

Faafinta: *Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada*.

News Related