Published:

 

Warka Suldan Wabar wuu jira, laakiin sababta uu u yimid, ciida ka danbeysa iyo wuxu doonayo meel  lagu cadeyey anigu ma ogi

Itoobiya Bad malaha laakiin in ay ka warwarto wax kasta oo saameynaya Marinadeedu waa mid warwarkeeda leh

 

Hargeysa (GNO)  Wasiirka wasaarada Arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dawlada itoobiya walaac ka qabto Saldhiga Milatari ee xukumada Somaliland siisay dawalada Imaaradka carabta.

Wasiir sacad waxa kale oo uu ka hadlay wararka sheegaya in Suldaan Wabar dib uu maleeshiyo beeled uga qoranayo xududka Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiir Sacad oo wax laga waydiiyey walaac dawlada Itoobiya ay ka qabto in saldhig milatari imaaradku ku yeesho berbera waxa uu yidhi. “Kolay labbada waddan waa waddamo aynu saaxiib nahay, Saldhigyo Milatarina warwarkoodana way leeyihiin, Manfacoodana way leeyihiin, Somaliland waxa u yaalla waa sidii labadoodaba aynu u ilaashan lahayn, Itoobiya waa waddan bada ka xidhan, waxaanay isticmaalana Dekeda jabuuti oo kali ah, qorshuhuna waxa weeyan in ta Berbera isticmaalan, marka in Itoobiya ay ka warwarto wax kasta oo saameynaya maarinada ay la leeyihiin baddaha waa waajib”Ayuu yidhi.

 

Sacad Cali Shire waxa kale oo uu ka hadlay warar sheegaya in Suldan Wabar uu dib fidmo uga abaabulayo xuduudka u dhexeya Somaliland iyo Itoobiya halkaas oo uu maleeshiyo beelled ku urursanayo waxanu yidhi. “warkaasi wuu jira, laakiin sababta uu u yimid, ciida ka danbeysa iyo wuxu doonayo meel  lagu cadeyey anigu ma ogi, marka hore ayaanu uga hadalnay ma ogolin cid ka soo horjeedda itoobiya oo Somaliland soo gasha, iyaguna waa sidaasi oo kale heshiisna waaynu kala dhiganay, marka waxaan jecel lahay in cid walba ay fuulindoonto heshiiskasi”Ayuu yidhi

News Related