Published:

Gabiley (GNOhogaamiye-xisbiga-wadani-xirsi-o-735x400): – Warar Xogogaal ah oo ka soo Baxaya Gobolka Gabiley ayaa Sheegaya in dhacdadii Dhex martay Xildhibaan iid Xasan Cabdi iyo Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ay ka danbeeyeen Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi iyo Marwo Samsam Cabdi Aadan oo la Sheegay in Xildhibaanku Heshiis la Galay, sidaa Awgeed Xildhibaanku iska Duubay codka uu ugu Hanjabayo Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa caawa kulamo kala dudwan la qaaday haween ka badan boqol iyo dhalinyaro, kulamadaasi oo dhamaantood ku dhamaaday is af-garad.
“Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Gabiley oo aan wax ka waydiinay xilka u dheer xildhibaanimada ee uu Iid Xasan ka hayo gobolka Gabiley ayaa sheegay inaanu xil xisbigu u magacaabay oo uu ka hayaa aanu jirin ee arintani tahay arin laga danbeeyo oo xisbiga xaakimka aan ishaynaa ka danbeeyo, xisbigaanay u taalaa inuu ka qaado talaabo sharciga waafaqsan iyo anshax marin. Waanu ku daba jirnaa cidii ka danbaysay iyo sidii ay wax u dheceenba. Aniga iyo garabyada kale ee xisbiguba waanu wada ogayn in kulamadaasi gaargaarka ahi ay jiraan oo marka ay soo gaadho in taageerayaashaasi ay xisbiga kusoo biiraan anagaa hawsha la nagu soo wareejinayey laakiin inta hore waxaanu isku daynay in xisbiga hogaamiyayaashiisa iyo taageerayaashu si toosa u wada hadlaan oo soo heshiiyaan…” Sidaasi waxaa yidhi xildhibaan Xasan Axmed Aadan (Dhagjar) oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadani u jooga gobolka Gabiley.
Goobta xildhibaanku kula hadlay Xirsi ayaa waxaa iyaguna ku sugnaa qaar ka mida shaqaalaha Dawlada Hoose ee Gabiley oo ku jiro dirawalka maayarka Gabiley Bashiir, isagoo markii danbe na toos ugu shubay guriga maayarka Gabiley oo hanjabaada la duubay laga sugayay, sida ay Noo sheegeen Xubno ka mid ahaa Masuuliyiintii Wadani ee Goobta Joogay
Wararka naga soo Gaadhaya Xarunta Wadani ee Gabiley ayaa sheegaya in Wasiirka maaliyada Somaliland Zamzam Cabdi Aadan iyaduna khadka teleefanka toos ugu jirtay iyadoo todobaadadii ugu danbeeyey adeegsanaysay qaar ka mida shaqaalaha xisbiga Wadani inay ka shaqaalaysiiso wasaarada maaliyada oo badankoodu ka diideen, qorshe kasta oo lagaga hor istaagayo xisbiga mucaaradka ee Wadani inuu yimaado gobolka Gabiley.
Xildhibaan Iid Xasan Cabdi oo caan ku ahaa cayda iyo aflagaadaynta musharaxa xisbiga Kulmiye ayaa todobaadadii ugu danbeeyey ee Zamzam ku sugnayd Gabiley u wareegay inuu Gabiley ka ilaaliyo xisbiga uu ka soo baxay ee Wadani, isagoo caawa si anshaxa iyo asluubta ka baxsan ula dhaqmay Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Gabiley News
Gabiley Office

News Related