Published:

waddani5

Waxa garabka dhalinyaradda ee xisbiga WADDANI laanta Finland xalfad casho
sharaf ah ku qabsadeen caasimadda wadanka Finland ee Helsinki habeenkii jimcihii
inasoo dhaafay.
Xalfadaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa kasoo qayb galay
dhamaan masuuliyiinta iyo taagerayaal faro badan oo kala yimid goboladda dalka.
Waxaan masuuliyiinta laanta Finland kala hadleyn taagerayaasha sidii loosii dardar
gelin lahaa hawlaha xisbiga iyo ka qayb qaadashadda gurmadka abaaraha ee
masuuliyiinta xisbiga ee laanta Finland bilaabeen.
Waxa ujeedadda xalfadda casho sharafta ah loogu talogalay sii ambabixinta
gudoomiyaha garabka haweenka Marwo Xaliimo Max’ed Xuseen oo u socdaalaysa
dalkii hooyo ee S/land. Waxa si qoto dheere uga hadlay waxqabadka gudoomiye
Xaliimo iyo waxqabadka aan kala go’ lahayn ee u hayso xisbiga gudoomiyaha laanta
Finland Mudanne Isaak Abdi Gulleid.Waxa uu gudoomiyuhu gudoonsiyay marwo
Xaliimo shahaado sharaf kulana sii dardaarmay inay dadaalka halkaas ka sii wado,
Ilaahayn nabad qab geeyo dalkii hooyo.
Waxa isna goobtaas ka hadlay oday Faarax Jees oo ka mid ah odayaasha xisbiga oo
dardaran dhinacyo badan ah usoo jeediyay bulshaddii goobta isku timid una mahad-
naqay dadkii xalfadda soo diyaarshay.
Waxay xalfaddaas casho sharafti ah kusoo dhamaatay farxad, damaashaad iyo duco
ah inuu ilaahay dadkeena ka dul qaado abaarta kulul ee haysa.
Gudoomiye Eng. Jamaal C/laahi Xassan
Turku/Finla

News Related