Published:

 

 

 

Diyaarad nooca Xamuulka ah oo ay leedahay Dawladda Kuwait ayaa maanta madaarka  Berbera ka soo degtay, iyadoo waday Mucaawino ay Dawladda Kuwait ugu talo-gashay in la gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Deeqdan oo ay waday hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait waxa goob joog ka ahaa markii ay soo degtay Wasiiru-dawlaha wasaaradda Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe waxaanu Faysal yidhi “ Kuwait Iyo Wadamada Carabtu Waxay Noo Muujinayaan Intay Inoo Kala Jiraan Iyaga Iyo Wadamada Reer Galbeedku, Intaas Oo Jeer Ayay Nagu Soo Noqdeen Wadamada Reer Galbeedku, Gaar Ahaan Qaadhaa-Bixiyayaashu, Doorasho Qabta Mooyaane, Mucaawimadan Hooya Oo U Naxariista Dadkiina Kamaanu Maqal, Markaa Ninna Intuu Kuu Jiro, Kuuma Soo Dhaafi Karo.”

Diyaaradan ayaa markii hore mucaawino tan la mid ah gaysay magaaladda Muqdisho, halkaas oo ay xukuumadda Federalku kagala wareegtay.

News Related