Published:

Sida aynu wada ogsoonahay, waxa 15kii Sano ee ugu danbeeyey soo badaneyey dhisitaanka Taawarada isgaadhsiinta Xaafadaha la degenyahay dhexdooda. Taawaradaas oo ah qaar shucaac bixiya oo halis ku ah DadkaΒ  degen xafada iyo xayawaanka, sida Digaaga iyo shimbiraha.

Hadaba iyadoo baryhan danbe aad loo isticmaalo telfoonada gacanta ee casriga ah oo ay Dadku rabaan kuna faraxsan yihiin adeegyo xawaare fiican leh, sidaa awgeedna shirkadaha telefoonadu u dhisaan taawaro badan, iyagoo eegayaΒ  ganacsigooda. Telfoonada gacanta sidoo kale waxay siidaayan shucaac, lakiin way ka shucaac yaryihiin Taawarada, halka ay taawarada isgaadhsiintu sii daayaan shucaac badan 24kii saacba, kaas oo khatar ku ah caafimaadka iyo nolosha Dadka iyo Xawayaanka ku hareeraysan. Su,aashu waxay tahay Taawarada isgaadhsiinta ee Xaafadaha ku dhex yaala maleeyihiin dhibaato? Jawaabtu waa Haa. Baadhitaano lagu sameeyey :Shucaaca Taawarada; ayaa waxa lagu sheegay haddii aad degen tahay guri ama meelΒ  50 Mitir u jirta Taawarka, waxaad la mid tahay Qof maanta oo dhan ku dhex jiray/jiray, mikrowayfka wax lagu kululaysto (microwave) shucaacas taawaradu bixinayaan oo sababa xanuunka kansarka. Haayada Cilmi Baadhista kansarka ee loo yaqaan (IARC) ayaa sheegay in hawo –wareed yada shucaaca taawarada moobilada, ( Tower Telecommunications)Β  ay yihiinΒ  kuwo kansar ukeena Dadka, islamarkaanaΒ  sababi kara kansarka, (cancer) maskaxda.

 

Waxa kale ooy lamid tahay adigooy kugu hareeraysan yihiin β€œDDT; Chloroform iyo qiiqa shidaalka. Isagoo kansarku, (cancer) yahayΒ  halista ugu wayn ee Dadka ku nool agagaarka Taawarka, ayaa waxa jira dhibaatooyin badan oo la soo darsa dadka ku nool aaga, kuwaas oo kala ah, 1 Cudurada Maqaarka 2 Xanuun xaga Maqalkaa, 3 Xasuusta oo guurta ama lunta, 4 Hurdo la,aan,5 Khalkhal ku dhaca dheefshiidka iyo xitaa dhibaatooyin xaga Wadnaha ah.

Nalalkan shucaaca elekteroonigaΒ  waxay dhibaato gaadhsiiyaan Ilmaha uurka ku jira iyo caruurta dada yar, kuwaas uu madaxa ka waxyeeleeyo kuna sameeyo madax Qalfoof yar. Runtii waxa wax laga xumaado iyaduna ah iyadoo la sheegay inuu shucaaca taawaradu wax yeelayn balaadhan ku hayo Shibiraha iyo Digaaga, waliba Qixiyey shibira laayihi ama Baaskii iyo shibirihi kale duulayey aaga isagoo dhaawacyo ka gaadhsiinyaΒ  dareemayaasha jihada ay ku duulan oo ay ka lumayaan xagii ay u socdeen. Waxa kale oo jirta inuu wax yeeleyo ukunta ama beedka shimiraha iyo uurjiifyada, sababta oo ah waxay sababaan khafiifinta jabinta digaaga.

 

 

 

Lasoco Qaybta 2baad. Qalinkii Abdi Rahim Ibrahim Ahmed (Boodhari)

News Related